10 Kii Sheeko ee ugu Yaabka Badnaa ee Facebook kadhacay

10- Kaan Dhacdo oo aan kasoo kala xigtay Website yo badan, xaqiijin dheeraad ahna aan ku sameeyay, waa 10ka dhacdo ee ugu yaabka badan ee Internetka kadhaca Qaasatan Facebook, waxayna noqneed Dhacdooyin macruuf ka ah Internetka. isku waqti ma aysan dhicin laakiin waxa ay Noqdeen '' 10 Unbelievable Facebook Stories '' Tobanka Sheeko ee Facebook ee la aamini waayay, waana wax xaqiiq ah - Kabogasho Wacan


1- ( Naag aragtay Sawirkeeda oo kudhagsan Meel Boor ah ama Tabeele Ganacsi ah )

- Cid Amerikan ah oo Gobolka Missouri kasoo jeeda oo sawirkooda ku arkeen wadanka Czech Republic, Danielle Smith oo 36 sano jir degan St. Louis suburb of O'Fallon, ayaa waxay dhahday, waxaan Galnay sawir aniga iyo ninkeyga iyo labo caruurteyda si aan u sameyno Christmas card, ama sawir ay ugu talo galeen dabaal dega Sanadka cusub, kadibna share gareeyay Blog iyo Qaar kamid ah Websiteyada Socialka si aan asxaabta ula wadaago farxadas'' Mudo Kadib Midkamid ah asxaabtii Kuleejka ay isla dhigan jireen oo baabuur ku dhex wata Magaalada Prague ayaa waxa uu arkay Sawirka Danielle Smith iyo cideeda ayagoo dhoola cadeynaya oo ku dhegan Dariishad Bakhaar Cunooyinka Yurub lagu iibiyo iyo Khudaarta, kadibna dariishadii ayuu sawiray, waxa uuna sawirkii udiray Danielle, Danielle waxay dhahday, waa sawirkeygii Christmas Cardka naftirkiisa oo ku dhagan Baqaar qudaar oo kuyaala Prague'', Mario Bertuccio oo iska leh Bakhaarkaas Grazie store, ayaa waxa uu sheegay in Sawirka uu internetka kadhex helay, laakiinse uusan umaleyneenin cid caadi ah kadibna waxa uu bilaabay inuu sawirka meesha katiro, Naagta sawirkaan iska leh ayaa sheekadaan markii ay soo qortay waxaa isla markiiba aqristay 180,000 qof, waxayna sheegtay hada kadib, hadii internetka ay sawir soo galineeso, in ay kadhigeeso kuwa yar yar ama sawirka wax biyo biyo camal ah ay kufureyso.


2- ( Nin Aroos ahaa oo Facebookga aanan hilmaamin xataa xiligii uu arooskiisa Kaniisada kadhacaayay)

Dana Hanna ayaa kacodsaday odeygii baadariga ahaa markuu arooska dhameeyay in asiga iyo gabadha uu guursaday ay facebookgooda iyo Twitterkooda ay ku qortaan Married awal hore meesha ay oga qorneed Single, isla markiina labadii is arooseesay telfoono ayay lasoo baxeen, oo waxay change gareeyeen ama badaleen Xaaladooda guur ee facebook iyo twitter waxayna kuqorteen Married .


3- Naagtii ugu horeysay ee Facebook laga kor furo

Emma Brady ayaa waxay sheegtay in Guurkeeda 6da Sano soo jiray uu dhamaaday, kadib markii ninkeeda Facebook uu kusoo Post gareeyay inuu dhamaaday guurkii ka dhaxeeyay asiga iyo Xaaskiisa, Emma ayaa arinkaan waxay ogaatay kadib markii ay soo wacday saaxibteed qaali ah oo Denmark Joogtay si ay udejiso arinkaan naxdinta badan ee saaxiibteed kudhacay darteed, ayadoo weydiineeso in xaaladeeda ay fiicantahay iyo inkale , emma markii ay facebook gashay oo wax walba ay aragtay aad ayay ola yaabtay, ayadoo dhaheysa (wax walba aniga iyo ninkeyga Neil Brady naga dhexeeya way fiicnaayeen Lkn ma ogi furitaankan waxa uu kukeenay )


4- Post ama hadal uu kuqoray Facebook ayuu oga badbaaday Xabsiga

Rodney Bradford 19 Sano Jir oo Degan Farragut Houses, ma uusan fileynin in hadalka uu ku qoray facebook dartiis uu xabsiga oga soo bixi doono Hadalka uu kuqoray waxa uu ahaa ''aaway Quraacdeyda??'', - Hadalkaas Maalinta uu kuqoray Facebookgiisa maalintii kuxigtay ayaa laxiray oo xabsi lageeyay asigoo lagu eedeenaayo in uu wax xaday, Laakiin Abukaatihiisa ayaa cadeeyay in xiliga wax xaditaanka ee Rodney lagu nabaayo in xiligaas uu joogay gurigiisa uuna kujiray facebook. - Sidaas darteed ayuu wiilkaas xabsiga oga badbaaday.


5- Nin Qaraabadiisa 22 Sano Kadib Facebook Korkiisa Karaadiyay.

March 17, 1987, Ninkaan Talyaaniga ah ee Alex Anfoso waxaa afduubtay aabihiis asigoo jiray 5 Sano, kadibna waxaa loo soo kaxeeyay magaalada Qaahira ee Wadanka Masar, halkaas uu asiga iyo aabihiis ay kuwada noolaayeen, xiliga lasoo afduubay wiilkaas Hooyadiisa Silvana Anfuso waxay kujirtay Jeelka Rebibbia ee kuyaala Magaalada Rome, ayadoo loo heestay Danbiyo laxariira Daroogo iyo Mukhaadaraadka, Alex Markii lageeyay qaahira timaha si kale ayaa loogu jiray, oo labis nooc kalena wa loogaliyay, afka carabigana wuu bartay, waxaana soo korisay Duq uu ugu yeeraayay ayeeyo, Alex oo hada 28 Sano jir ma uusan heysan Dhalasho Masaari ah, iyo xataa Deganaasho, kadibna waxa uu bilaabay inuu raadiyo dad qaraabadiisa ah oo magaca Anfoso lawata, waxa uu warqado u diray dad badan, dadkaas waxaa kamid ahaa Pino Anfuso oo ah Farsama yaqaan kashaqeeya Qeyb kamid ah Kanaalka RIA oo kutaalay Koonfurta Magaalada Reggio Calabria, inkastoo Pino uusan kamid eheen Qaraabada Alex, laakiin waxa uu go'aansaday Sheekada wiilkaan in uu kasoo daayo barnaamij Show T.V ah, oo magaciisa ladhaho ''Chi l'ha visto'' oo micnaheedu yahay ''Yaa arkay ayaga'', kadibna sidaas ayuu Alex Sheekadiisa Hawada ugu soo gudbiyay, waxa uu gadaal ka ogaaday in hooyadiis ay dhimatay ayadoo aanan arkin.


6- Nin Dhalinyaro ah oo Dadka kayaabsaday laakiin asigana ay kayaabsadeen.

Nin dhalinyaro yar ah oo u dhashay wadanka Ecuador ayaa waxa uu sameeyay Facebook Group Magaciisa yahay, ¨ If I get 1.000.000, I , José Romero, will tattoo the 151 Pokemon on my back " oo micnaheedu yahay, ''Aniga Jose Romero ahaan, hadii aan helo Hal Milyan qof, waxaan dhabarkeyga Shabad ahaan cml ugu sawiraa 151 Pokemon'' Pokemon waa Cartoon caan ah oo ladaawaado, kadib wiilkaas markii uu sameeyay Pageka ma uusan filaneenin waxa dhici doono, 24 Saac Gudahooda Groupka waxaa soo galay, 50,000 (Konton kun) qof oo aduunka daafihiisa ka imaaday, Ninkaan markii uu arkay dadkaas dhan oo Groupka soo galeen, waxa uu qariyay Profilekiisa si aysan dadka u aqoonsanin, ama qof dhan uusan u fahmin, isla markiina dadkii Groupka kujiray markii ay waayeen ninka sameeyay Groupka way xanaaqeen waxayna Sameeyeen, Group kale oo lagu raadinaayo Khaa'inka sidaas sameeyay, groupkaas danbe ee ninkaas lagu raadinaayo waxaa soo galay 600,000 (Lix Boqol Kun) qof.


7- Naag Laga jaray Lacagihii Macaashka ay ku heli jirtay facebook dartiis

Nathalie Blanchard oo kasoo Jeeda Quebec, ayaa waxaa laga joojiyay lacago lasiin jiray, kadib Sawiro ay soo galisay Facebook. Naagtaan ayaa waxa ay u shaqeyn jirtay Shirkada IBM qeybteeda Bromont, waxay sheegtay in ay xanuunsantahay waxaana lasiiyay fasax, mudo bilo ahna lacagteeda way usocotay, waxayna qaadaneesay lacagtii leave benefitska, si walba ha ahaatee waxaa la arkay sawiro ay facebook soo galisay oo cadeynaya in ay Naagtaan fiicantahay Noloshana ku raaxeysaneeso, Sawirada waxaa kamid ah, kuwa ay xeebta joogto, iyo sawiro xaflada dhalashadeeda ayadoo baashaaleyso, sidaa darteed ayaa waxaa la ogaday in naagtaan aysan xanuunsaneen oo ay fiicantahay, waana laga joojiyay lacagihii ay qaadan jirtay, Nathalie ayaa waxay sheegtay sawiradaan in aysan cadeyn u eheen xaalada ay kujirto, laakiinse ay yihiin sawiro iska caadi ah, Laakiinse Shirkada arinkaas ma aysan dhageesanin oo toos ayaa looga jaray Lacagtii ay qaadan jirtay


8- Nin iyo Naag isku Magac ah oo Faraanti galiskooda dhacay.

Kelly Hildebrandt oo reer Texas ah, ama kasoo jeeda gobolka Texas iyo Kelly Hildebrandt oo ayadana kasoo jeeda Gobolka Florida ayaa Faraanti Galiskooda ama meherkooda dhacay, Gabadha Lagu magacaabo Kelly Hildebrandt ayaa waxay dhahday Facebook ayaan waxaan ka Search gareeyay ama kabaraayay qof isku magac aan nahay, marka waxaan arkay Wiilkaan aan isku magaca nahay, markaas sawirka u saarnaa ayaan fiiriyay shaati ma uusan wadanin, waan kahelay runtii, kadibna waan is baranay Sideed Bil oo jaceyl ah kadibna Faraanti galiskeena ayaa dhacay, sidaas ayay dhahday.


9- Nin Dhalinyaro ah oo Sariir Hoosteeda ku qarsanaa Labo Maalmood

Naag aad unaxsan ayaa waxay uyeertay booliska kadib markii ay ku aragtay Sariirta gabadheeda 13 jirka ah hoosteeda, nin dhalinyaro ah oo 19 sano jir ah, Gabadha yariista ayaa waxay sheegtay in Ninkaan ay Facebook iska barteen kadibna Guriga ay sidaas u keentay, asigana uu u galmooday ama u tagay ayada, Ninkaan ayaa hada maxkamada lasaaray waxaana lafilaa in lagu qaado danbi ah, Galmada Caruurta


10 - Naag Facebook ka dhex ogaatay in Ninka ay guursan rabtay uu qiyaano kuwaday.

Gabar Magaalada Rome ee Wadanka Talyaaniga u dhalatay ayaa waxay Facebook ku aragtay Sawir ninka guursan rabay oo naag kale lasawiran, aad ayay u xanaaqday, arooskii ayay kansal gareysay kadibna Magaalada dhan ayay ku dhajisay warqad Sawir kamuuqda iyo qoraal waxayna ku kor qortay Qoraal sidaan ah ''Ilaahaa Mahadleh, Meeshaan Facebook ayaa jiro, Ugu yaraan waxaan ogaaday inaad tahay Khaa'in Khinsiir ah aniga waad iqaani rabtay iyo 548 marti ee arooskeena imaan lahaa'' Fiiro Gaar ah: ( Sawirka meeshaan kamuuqda ay Naagta isticmaashay maahan sawirka ninka, waa sawir ay ku dacaayadeeneeso, waa sawirka actorka Corrado Fortuna kaliya dacaayada si ay usii kululeeso ayay usoo qaadatay sawirka oo ah nin naag labadeeda naas madaxa kula jiro)

Dhamaad

BAARGAAL.NET
Developed by Jago Desain