Madaxweynaha Dowladda Puntland Prof. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa
maanta soo saaray liiska magacyada wasiiradda cusub ee Puntland ka dib
latashiyo balaaran uu waday maalmihii ugu danbeeyay.
Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland Dr. Deeq Saleebaan Yuusuf
ayaa warbaahinta shalay galab ugu akhriyay Liiskan oo ka koobnaa
wasiiro, ku xigeeno iyo wasiiru dowlayaal oo gaareysay tiradooda guud
47 xubnood.
Wasiirka Warfaafinta ayaa weli madaxweynuhu soo magacaabin, waxana
maalmaha soo socda lagu wadaa in la dhaarsho wasiiradan cusub
Halkan hoose ka daalaco Liiska wasiirada iyo qabiiladay ka soo jeedaan
1-Ismaaciil Maxamed Warsame Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo arrimaha Dhulbahante
2-Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo dowladaha hoose Dhulbahante,
3-Xasan Cismaan Maxamuud Alloore Wasiirka Wasaaradda Amniga Ciise Maxamuud
4-Shire Xaaji Faarax Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Cali Saleebaan,Majeerteen
5-Sahra Siciid Nuur Wasiirka Wasaaradda Dastuurka, Arrimaha Federaalka iyo Dimuqraadiyadda Wabeeneye, Majeeteen
6-Cali Axmed Faatax Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Xiriirka
Caalamiga ah Warsangali
7-Cabdullaahi Cali Ducaale Wasiirka Wasaaradda Xannanada xoolaha Warsangali
8-Cali Xaaji Warsame Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Cumar
Maxamuud,Majeerteen
9-Dr.Saadiq Eenow Wasiirka Wasaaradda Caaafimaadka Cismaan Maxamuud,Majeerteen
10-Cabdirashiid Maxamed Xirsi Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Leelkase,
11-Xasan Xaaji Siciid Xasan Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada & Garoomada Cismaan Maxamuud, Majeerteen
12-Cabdullaahi Jaamac Saalax Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Dishiishe
13-Anisa Cabdulqaadir Xaaji Muumin Wasiirka Haweenka iyo arrimaha qoyska Siwaaqroon, Majerrteen
14-Abdinuur Cilmi Maxamuud Biindhe Wasiirka kaluumeysiga iyo
khayraadka Dhulbahante
15-Guuleed Saalax Barre Wasiirka Deegaanka,dalxiiska iyo Duurjoogta
Ciise Maxamuud, Majeerteen
16-Maxamed Xasan Soocadde Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Dhulbahante
17-Cabdiraxmaan Shiikh Axmed Cabdulle Wasiirka Shaqada,Shaqaalaha Dhalinyarada Ugaar Saleebaan ,Majeerteen
18-Cabdi Ismaaciil Boos Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dhulbahante
BAARGAAL.NET
isha wararka Baargaal