القائمة الرئيسية

الصفحات

Saldanadii Baargaal -qaybtii 1 aad

walaalayaal waxaan halkan idinku soo gudbinaayaa sheeko taariikhi ah oo ka sheekaynaysa fatro aad iyo aad muhiim ugu ahayd taariikhda soomaaliya , balse nasiib xumo aan si fiican loo diwaan galin marka sheekadu sidan baa loo soo wariyaye ee bal akhris wacan :


Boqor Cismaan Maxamuud, wuxuu ku dhashay Baargaal sanadku markuu ahaa 1849-kii. Waxaa lagu boqray meesha la yiraahdo Noobir ee u dhexaysa Iskushuban iyo Beyla sanadkii 1860-kii. Sida ay caadadu ahayd, waxaa ku caana-qubay nin u dhashay beesha Cali Saleebaan. Boqorku wuxuu ahaa nindka uguna cimri dheeraa uguna berya-samaad wacnaa maamulladii soo maray Majeertiinya. Isaga oo da´diisu eeyan 20 gaarin ayuu boqor noqday, 80 jirna waa uu ku geeryooday. Taas ayaa keentay in uu la kulmo umuuro xiiso u yeelay taariikhda maamulkiisa. Waxaa kamid ah :


1. Khal-khalkii siyaasadeed ee ku yimid maamulka kaddib markii ay bilaabatay mucaaradadii Yuusuf Cali.
2. Is-dareensiga dhex-yiil maamulkiisii iyo kuu Yuusuf Cali ka dhisay Hobyo.
3. Colaadihii gudaha oo ay ugu wayneed kuwii uu la galay Daraawiishta.
4. Colaadihii dibadda, gaar ahaan gumaysigii Talyaaniga oo iridaha u xiray taariikhihii taxnaa ee maamulkaas.


Waxaa in la xuso mudan in degaanka boqortooyadu uu xilligaas ahaa isha ugu wayn oo maamulkii Ingiriiska ee Cadan fadhiyay uu ka heli jiray raashinka, gaar ahaan hilibka. Taasina waxay qayb xoog leh ka qaadatay kobcidda dhaqaalihii degaanka. Maamulku wuxuu sii xoojiyay xiriiradii diblomaasiyadeed ee uu la lahaa xarumihii ganacsiga caalamiga.

Waxaa jiray boqoro ka dhisnaa dalalka ay la lahaayeen xiriirka ganacsi, kuwaas oo boqortooyadu ay xiriir diblomaasiyadeed la lahayd. Waxaa halkaas socdaallo ku tegi jireen danjirayaal wareega oo boqortooyadu lahayd. Danjirayaasha boqortooyadu waxay yiqiineen afafka Hinduuga, Carabiga, Ingiriiska iyo Talyaaniga. Waxaa u caansan ninka la yiraahdo Shirwac Cismaan, oo isagu kamid ahaa danjirayaashii Nuur Cismaan. Sheeko kaftan ah oo faaftay ayaa waxay tilmaamaysaa mar uu Nuur Cismaan (oo boqor ku meel-gaar ahaa, walaalkiisna ahaa) u raacay magaalada Cadan ! ! ee dalka Yaman.

Nuur nin aad u madow ayuu ahaa. Markay la kulmeen suldaankii ay u socdeen oo uu is baray labadii boqor, ayuu boqorkii Yaman hadal kaftan ah yiri oo macnaheedu ahaa :
"
Haddii iftiinkiinu caynkan yahay, mugdigiinu sidee noqon
".


Xaaji Cismaan Xaaji Yuusuf oo ahaa la taliyaha boqor Cismaan, ayaa ka sheekeeyay mar uu wafdi ahaan ku tegay degmada Mukulli isaga oo dhambaal ka siday boqor Cismaan. Mukulli waxay xilligaas xarun u ahayd suldaankii Xadramuut oo magiciisa la oran jiray suldaan Gaceyti, kaas oo xiriir wanaagsan ay la lahaayeen. Wafdigan oo ujeeddada socdaalkoodu ahaa in ay suldaanka kala soo xaajoodaan in uu qiimo jaban kaga iibiyo hub ay doonayeen in ay ka iibsadaan. Xaaji Cismaan wuxuu yiri :


" Waxaa la ii diray Mukulli si aan hub u soo iibiyo. 600 oo wan ayaa doon la ii saaray. Saddex lool oo dahab oo uu garaamkoodu ku qoran yahayna boqorka ayaa ii dhiibay. Lacag melyan gaaraya oo isugu jirta Qirish iyo Rubiyad ayaa kiishado la iigu guray.Waxaa kale oo la ii dhiibay waraaq uu igu yiri gaarsii suldaan Gaceyti. Doonidii baan ku dhacay. Markay Mukulli gaartay baan askartii ku iri : Arigan suldaanka ayaa lehe ha layga dejiyo.
Markii suldaankii la war-geliyay, wuxuu ku soo jawaabay in arigana layga qabto, aniga iyo ragga ila socdana nala marti-geliyo. Doonidana ay halkeeda inoo joogto. Daar dabaq ah oo ay martida geeyaan ayaa layna dejiyay. Suldaanku, wuxuu raggiisii faray in layna wanaajiyo, raashinkana noocii aanu doono leynoo keeno.

Daartii saddex maalmood baa inoogu dhamaatay. Kaddib ayuu suldaankii inoo yeeray. Waxaan horay u soo qaatay loolkii dahabka ahaa iyo waraaqdii aan suldaanka u waday. Waxaan u imid isaga oo fadhigii iyo kuraatsiiba hagaajiyay. Wuxuu ku lebistay qamiis culus oo oogada dahab ku leh. Taaj dahab ah buu madaxa saaray. Isaga iyo nin wasiir u ahaa ayaa meel halkoo ah ka soo jeeda. Waxaa ley baneeyay kursi suldaanka dhiniciisa ah. Markaan soo galnay ayaa nin dhawaaqay oo dadkii ku yiri : "Istaaga".

Suldaankii baan hor istaagey oo aan gacan-qaaday. Dabadeed wasiiradiisii iyo askartii ayaa i salaamay. Kaddib, fariiso ayuu i yiri. Dahabkii ayaan meel agtiisa ah dhigay. Markaasaan fariistay. Waraaqdii ayaan suldaankii u gudbiyay. Dabadeed nin wasiiradii kamid ah ayuu inta u dhiibay ku yiri : Akhri oo ku dheereyso hadalka.

Suldaanku madaxa ayuu ridayay intii waraaqda la akhrinayay oo wuxuu la yaabanaa ereyada carabiga ah oo ku qoran waraaqda. Markii la dhameeyay buu yiri : " Ii dhiib waraaqda".
Waa loo dhiibey. Markaasuu jeedaashey waraaqdii. Misana Xaaji Cismaan buu jeedaashey ".
Xaajigu wuxuu ahaa nin dherer badan oo midab furan, quruxna loo dhameeyay.
" Suldaankii baa marna Xaajiga eega, marna dahabka hortiisa yaal, marna waraaqda gacantiisa ku jirta. Kaddib Xaajigii ayuu su´aalay oo ku yiri : Ma nin Carab ah baa soo qoray waraaqda ?
Xaaji Cismaan : Maya, waxaa qoray nin Soomaali ah oo gacan-yare u ah boqorka.

Suldaankii : Ma nin Soomaali ah baa sidatan wax u qoray oo farta caynkan ah dhigay !.

Markuu suldaankii furay hadalkii, ayuu Xaajigii yiri : Waxaanu kaa dooneynaa inaad inoo jebiso qiimaha aad hubka inooga iibiso, waayo hub badan ayaanu qaadaneynaa.
Suldaankii : Waayahay, intaa waan yeelayaa. Halakan hubku mayaal. Wuxuu yaalaa Shixir.

Dabadeed wuxuu sheegay qiimo wax badan ka jaban kii hore, wuxuuna yiri : Waraaq baan iyana u dirayaa, idinna idiin qorayaa oo waan ku siinayaa. Haddaba dhaqaalaha aad wadato wixii ay kuu gooyaan oo hub ah iibso.

Suldaankii : Goormaad tegeysaa ?
Xaaji Cismaan : Beri subax.
Suldaankii : Waxaan doonta kuu saarayaa 30 sanduuq oo saanad ah iyo 300 oo qori oo aad hadiyad ugu geyso boqor Cismaan.
Subaxdii baan doonidii soo aaday, mase rasaastii iyo qoryihii waxay diyaar ku yihiin xeebta. Doontii baa ley saarey, dabadeed Shixir ayaanu tagney. Waa nalagu soo dhoweeyay. Waxaa leynoo sheegay in waraaq ka timid suldaankii, sidaa darteed in leynoo jebinayo sicirka ". (Xaajiga waxaa ka weriyay Maxamuud Aw-Yuusuf).


Waxaa xusid mudan, waraaqda uu suldaanku la yaabay ereyada iyo qoraalka ku yiil, ninka qoray wuxuu ahaa Xaaji Jaamac Bilaal, oo boqorka xoghayn u ahaa.
Jaamac Bilaal wuxuu wax ku soo bartay dhulka Carabta. Wuxuu ku noolaa Cadan oo uu Ingiriiska iyo Carabigaba ka bartay. Wuxuu ahaa ninkii ugu horeeyay ee Soomaaliya ka asaasa dugsi hoose oo ay caruurta Soomaaliyeed wax ka bartaan. Caruurtii ugu horeysay ee dugsigiisa ka qalin-jebisay waxaa kamid ah jeneraal Cabdullaahi Hoolif. Dugsigaas oo loogu magac-daray Jaamac Bilaal, waxaa la oran jiray Macallin Jaamac, wuxuuna ku yiil bartamaha Xamar.

Yuusuf Cali, oo marna adeer u ahaa boqorka marna sodog, ayaa muranka dhex-maray isaga iyo boqor Cismaan waxaa sababay, is qaadan-waa ka dhexeeyay ag-joogayaashii boqorka iyo Yuusuf oo damcay in uu ka maroorsado maamulka. Arimaha la tilmaamo waxaa kamid ah, ag-joogayaasha oo ka hinaasay dadnimada loo hibeeyay Yuusuf. Waxaa kale oo jiray Yuusuf oo khasnaji u ahaa boqorka, ayaa dhaqaale badan oo damac geliyay ka ka helay howshii uu hayay. Cadaadis badan oo kaga yimid dhankii xaashida boqorka, dabadeed Yuusuf wuxuu bilaabay in uu asaaso unugii ugu horeeyay ee mucaarad ku ah maamulkii boqor Cismaan.
Wuxuu gacan ka haystay labadii bahood oo waawaynaa (ilma Maxamuud Xawaadane) iyo reerka la yiraahdo Yuusuf Cawlyahan (Siwaaqroon) oo reer abtigiis ah. Yuusuf waa l! ! a xiray, hantidiisiina waa lala wareegay. Mar inta la uleeyay uusan wax ficilo jawaab ah ka bixin ayuu kula baxay magaca Keenadiid. Taasina waxay ka dambeysay markii uu boqorku yiri :
" Iska daaya, kani waa Keene - diide " oo uu ula jeeday in uusan oggoleen in uu hoggaansamo.
Yuusuf ayaa muddo kaddib ku guulaystay in uu uruiyo xoog ciriiri geliyay maamulkii boqortooyada. Bilowgii sanadihii 1870-aadkii, Yuusuf wuxuu caddaystay mucaaradnimo maamulka. Boqortooyadii ayaa waxay ku sigatay in dagaal sokeeye ka aloosmo, kaas oo sigay in dhiig badan daato haddii uusan soo dhex-galeen nin maal-qabeen ahaa oo Cadan ka yimid. Ninkaas oo la´oran jiray Harti Bile, wuxuu u dhashay beesha Siwaaqroon, wuxuuna abti u ahaa Yuusuf Cali. Maal-qabeenkaasi wuxuu ku guulaystay in uu Yuusuf ku qanciyo in uu dibadda u dhoofo, kaddib markii uu siiyay xoolo uu ku ganacsado.

Muddo toban sanadood ku dhow ayuu Yuusuf ka ganacsanayay dalalka Khaliijka Carabta. Sanadkii 1878-kii wuxuu ku soo laabtay dalka. Laakiin markan wuxuu la soo laabtay aragti ka duwan tii hore ee uu qabay. Sida ku xusan sheekooyinka Soomaalida, Yuusuf Cali wuxuu ka soo degay meel kamid ah xeebta magaalada Hobyo. Degmadu waxay lahayd ceel biyo macaan iyo Khoori dabiici ah, taas ayaa waxay sabab u ahayd in ay marar ku soo leexdaan doonyaha degaanka maraya. Yuusuf wuxuu hoggaaminayay tiro doonyo ah oo ay la socdeen dadkii isaga la xulufada ahaa. Waxaa kale oo weheliyay farsamo yaqaano Carab ah (Meheri). Doonyaha waxaa u saarnaa hub, qalab dhismo, raashin iyo alaabo hadiyado ah. Yuusuf oo dhowr jeer oo hore, degmada yimid ayaa markan odeyaashii degaanka la dhigtay heshiis uu ku doonayay in si ku meel-gaar ah uu degaanka ugu noolaado. Ujeeddada Yuusuf Cali ayaa markii hore ahayd in uu cashuuro ka qaato doonyaha halkaas imanayay. Yuusuf ayaa mashruuciisa ka qarsaday beelihii Hawiye (Habar - Gidir) ee degaanka ku noolaa. Waxaa dhacday in beeluhu ay dareensadeen markii uu isku deyay in uu qalcad wayn ka dhiso degmadii Hobyo. Muddo gaaban kaddib, waxaa bilowday kacdoon ay beelihii degaanku kaga hor imanayeen mashruuca Yuusuf Cali uu damacsanaa in uu halkaas ka hirgeliyo. Kaddib markii uu hiilo ka helay beelaha Daarood, gaar ahaan kuwa Majeerteen ee degaanka ka ag-dhowaa, ayuu Yuusuf Cali ku guulaystay in uu muquuniyo kacdoonkii beelihii Hawiye. Dabadeed wuxuu halkaas ka asaasay saldanaddii Hobyood ee uu suldaanka ka noqday, dabadiisna uu wiilkiisii Cali Yuusuf dhaxlay. Saldanaddaas oo cimrigeedu ahaa 49 sano, waxaa burburiyay Talyaanigii, sanadkii 1927-kii.
Taariikhyahannada wax ka sheega maamulkan, xoogaaga ay ka qoreen waxay ku tilmaamaan in Yuusuf Cali uu ku guulaystay dowladdii ugu salka ballaarnayd ee Soomaaliya ka soo if-baxda muddadii u dhexeysay burburkii boqortooyadii Awdal iyo maamulkii gumaystayaasha. Xuduudda maamulkan ayaa wuxuu ahaa sidatan :

1. Xadka waqooyi - Togga Nugaal.
2. Xadka koonfur - degaanka degmada Ceel-buur.
3. Bariga - xeebta bad-waynta Hindiya.
4. Galbeedka . degmooyinka Goldogob iyo Gallaadi.


Muddo gaaban ayuu wuxuu ku dhisay ciidamo kala-danbayn leh. Wuxuu yeeshay calan doonyihiisa lagu garto iyo danjirayaal wareega. Maamulkii Yuusuf Cali wuxuu lahaa lacag dahab ah oo ka shaqayneesay degmooyinkii uu ka taliyay. Taasi waxay dhalisay, sida inoo iman doonta, in uu kamid noqdo xoogaggii laga aqoonsanaa degaanka.
Dhacdada uu Yuusuf Cali ku degay degmada Hobyo ayaa ahmiyad gaar ah waxay u leedahay taariikhda Soomaaliya, waana midda xudunta u ah khilaafka gaamuray ee dhex yaal beelo badan ee Soomaaliyeed. Nasiib darro, weli lama hayo aqoonyahanno is-xilqaamay oo diraasaad iyo baaritaan aqoon ku salaysan inta sameeya soo bandhiga taariikh ay Soomaalidu ka faa´iidaysto. I. M. Lewis oo ah nin ku xeel-dheer aqoonta Soomaali-baradka ah, wuxuu xusay in taariikhda Soomaaliyeed ay dhaawacan tahay inta ay dhacdadan ka maqantahay qoraalada aqooneed ee taariikhda dalkeena.

Muddo gaaban dabadeed, markii uu taabo-gal noqday maamulkii Yuusuf Cali, ayaa degmada Hobyo waxay noqotay mid la mataan ah Baargaal oo markaas ahayd magaalada ugu camiran degaanka. Labadaas degmo oo magaalo-madax u ahaa labadii maamul, ayaa xilligaas waxay ahaayeen xarumo siyaasad, ganacsi, aqoon iyo dhaqan. Kasokow xubnaha labada maamul ee halkaas fadhiyay, waxaa labada degmo ku sugnaa rag kamid ah culima-diinkii Soomaalida kuwoodii ugu aqoonta badnaa. Ragga wax ka degay magaalooyinkaas ee aqoonta diinta laga baran jiray waxaa laga xusi karaa shiikh Cumar Axmad Al as-hari oo ahaa ninkii ugu horeeyay oo Soomaali ah ee ka soo baxa Jaamacadda Al as-har, kaas oo muddo fadhiyay degmada Hobyo. Sidoo kale Baargaal waxaa fadhiyay shiikh la oran jiray shiikh Qudubi. Shiikhan oo kamid ahaa ragga wax ku soo bartay magaalada Harar ayaa tacliin joogto ah siin jiray dadka degaanka! ! , Waxaana loola tegi jiray wixii masaa´il diini ah.

Waxaa kale oo degmooyinkaas ku urursanaa abwaano heer qaran ah oo suugaantii ay curiyeen laga qiimeeyay gobollada Soomaaliyeed intooda badan. Abwaanadaas ayaa gabeyo is-shaafsan jiray iyda oo mid waliba uu difaacayo maamulkii uu la joogay. Waxay suugaantooda la beegsan jireen hadba dhacdada xiisaha leh ee kolkaas taagnayd iyo gabeyada looga soo tiriyo xarumihii laysaga tebin jiray suugaanta. Ragga suugaanta ku caanka ah ee xilligaas ku noolaa labadaas degmo, waxaa laga xusi karaa : Faratol Yuusuf Sharmaarke, Muuse Yuusuf Sharmaarke (Muuse Dhiidhi) iyo aabahood Yuusuf Sharmaarke Cismaan, Maxamuud Axmad Aw-Xuseen (Il-dab), Cismaan Yuusuf Keenadiid, Faarax Axmad Aw-xuseen, Cali Sharmaarke, Cismaan Sharmaarke, Xaaji Gooni, Axmad Busur, iyo kuwo kale.

Maxamad Cabdulle Xasan ayaa tilmaan wacan ka bixiyay noloshii ay xilligaas ku sugnaayeen degmooyinka maamulladaas. Isaga oo ka waramaya hodantooyada ka muuqatay noloshii xarumahaas iyo intii la hal-maalaysay, ayuu mariyay gabey ay tixihiisii kamid ahaayeen sidatan :


Waa nimanka deeqii hambaday hibo Ilaaheeye
Waa niman intay hodan yihiin hoo ku sii daraye
Waa niman gob baa lagu hirtaa lagu hagaagaaye
Waa nimaka daaraha hurdiyo harac dallaal weyne
Waa niman xariira huwanoo huga ku laafyoone
Waa nimanka haashaarka gole marada haafeyne
Waa nimanka doonyuhu Hindiga uga hirtaaniine
Waa niman haruur iyo bariis hoyga loo dhigaye
Waa nimanka haanfuuqayee timirtu hoos taalle
Waa niman haleeliyo hor-weyn heel ka buuxsadaye
Waa niman adduun lagu huroo maal hareerimine
Waa niman intay wada habceen heeshiguun dhicinye
Waa niman hub iyo dowladnimo haystay weligoode
Waa niman u heynseen fardaha halabsigoodiiye
Waa niman hal-qooqaha rogaal heegma weligoode


sidaasna waxaa ku dhamaaday qaybtii koowaad ee silsiladan aan isla kaashan doono sidii aan u soo aruurin lahayn marka waxaan idinka sugaynaa wixii fikrad ah iyo wixii fariin ahba