القائمة الرئيسية

الصفحات

In badan baa waxaa isaga khaldan carabnimada iyo islanimada. In aan yarayn baa xataa aaminsan in Carabtu diinta nooga dhowdahay. Taqwo keliya baa Carab iyo Cajami ku kala duwanaan karaan, sida uu nebigeenni suubana(scw) yiri. Niman badan baa ku hamminaysa in af Carabigu baddalo af Soomaaliga, oo aan oggolaynba in carruurta afkooda iyo dhaqankooda iyo hiddahooda suuban la baro!(‘sooma aroorin’ miyay ka tahay?). Xataa hooyooyin fara badan oo qurbajoog ah baan isku taxaluujin inay carruurtooda af Soomaaliga baran oo mooday mindhaa in waxbarashaduba tahay in af kale la barto oo keliya!

Maadaama aan wada muslin nahay, waa waajib in af Carabiga la barto, laakiin
inuu meesha ka saaro afkii hooyo caqli maahan. Dhar la qaato (sida qamiis cigaal ama cimaamad.iwm) ama magacyo lala baxo (sida Abuu Maxamed iyo ummul Sumaya!) ama Carabiga oo la bartaa keliya kaa dhigi mayaan qof muslin ah. Ilaahay baa quraankiisa ku sheegay inuu dadka carrabyadooda (afafkooda) iyo midabyadoodaba kala duwey. (fiiri Suuradda Ruum, Aayadda 22aad).

Magacyadaan ka wada bilawda Abuu(ga) iyo ummul(ka), Islaamka ka hor bay jiri jireen. Dhaqan ahaan, waxay Carabtu ku muujin jireen in hebel uu ama hebla ay waarid noqotay. Dhanka kalena, waxay muujisaa awlaad ku faanka, Waxayna ka dhigan tahay ‘Hebel aabbihiis ama Heblaayo hooyadeed baan ahay’. Halkaasna waxaa mudnaanta koowaad la siiyay carruurta. Arrintaan markaan barbar dhigo dhaqankeena, waxaa ii soo baxday inaan Innagu dhankaas Carabta kaga fiican nahay. Sababtoo ah, waxaan mudnaanta koowaad siinnaa Waalidka. Tusaale ahaan: Ina Sugulle Geeddi, Ina Cabdi Gaab.

Tu kalena waxay tahay, qolooyinka carruurtooda ula baxay magacyo Kitaabiya. Qaar badanina iyagaa magacyadii iska baddalay.(!!!)