Qaadka ama Jaadka, kolba sidaad u taqaanno, waa qaxarka ugu culus ee ummadaha Geeska Afrika ama kuwa ku xeersan laf-dhabarta kala dhanyaalay. Gaar ahaan ummada Soomaaliyeed, daan kastaba ha joogtee, waxaa lagu tiriyaa dadka ugu bahal-cunka badan Qaadka. Marka aannu kasoo gudubno aragtiyada siyaasadeed ee Qaadka
Sida aynu wada ognahay waxa lugu magacaabo "Qaadku" waa walax ay ku jirto maandooriyad badasha caqliga bashariga ah. Qofka cuna qaadkuna had iyo jeer wuu ka duwan yahay ka aan cunin qaadka.
Qaadku wuxuu ka baxaa wadamo fara badan oo ku kala yaala qaaradaha Asiya iyo Afrikaba. Mid kastaaba waxa uu u yiqaanaa magac u gooni ah.
qaadku waa laba nooc:
- miiraa iyo hereeri
- Miiraagu wuxuu ka baxaa dalka Kenya
- Hereeriguna wuxuu ka yimaadaa dalka Itoobiya
- Qiimaha halkii marduuf waa £3 ama qayaastii $6
Qaadku waddamo badan ayuu imminka mabnuuc ka yahay sida dalalka: Canada, New Zealand, Belgium, Ireland, UAE, Denmark, Tanzania, Zambia, Germany, Switzerland, Finland and the United States.
Waxaa xusud mudan in dhibaatada qaadku aanay ahayn mid ugub ah. Dhab ahaantii, hay’addii la oran jirey The League of Nations ee ka horreysay hay’adda Qaramada Midoobey ayaa sanadkii 1933-dii arrinta qaadka ka hadashay. Waxaase wax laga xumaado ah, Xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan Daroogada iyo Denbiyada, Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO), iyo ururada kale ee caalamiga ah, in ay ka baaqsadeen in ay qaadka u aqoonsadaan daroogoda khatarta ah ee xaqiiqo ahaan uu yahay
Dalalka Itoobiya iyo Kenya ayaa ah labada dal ee ugu horreeya soosaaridda iyo ka ganacsiga qaadka. Waxaase xusid mudan, in inta badan dadka Kenya iyo Itoobiya aanay qaadka cunin. Dadka qaadka beerta iyo kuwa ka ganacsada waxa ay qaadka u arkaan il-lacageed oo burqanaysa; dowladaha Kenya iyo Itoobiyana canshuur badan iyo lacag adag ayay qaadka ka helaan. Qaadkaas intiisa badan Soomaaliya ayaa loo dhoofiyaa inta kalana Soomaalida qurbaha joogtaayaa laga daba-geeyaa