Waxay warbixintu sheegtay in dibu habaynta uu sameeyey khariidadda Google Maps ay diyaar tahay (http://maps.google.com/), dhowaana is-bedelkaasi diyaar ku noqon doono Google Earth (http://earth.google.com/). Dib u habayntan aya qayb ka ah xuduudada ilaa 60 dal ama gobol oo khariidadahooda ay Google dib u hayabsay. Waxaana taas lagu macneeyey in hormariyaan howshooda si ay ula jaan qaadaan is baddalada siyasadeed ee dunida ka socda.
Warbixinta Google oo sharaxaad ka bixinaysa isbedelkaas ay ku samaysan xuduudda lagu muransan yahay ee u dhaxaysa Soomaaliya iyo Itoobiya, waa siday hadalka u dhigtay’e, waxay qortay sidan:
* This portion of the border between Ethiopia and Somalia changed from solid (yellow in Google Earth) – meaning “international” – to dashed (red in Google Earth) – meaning “disputed” – to reflect the ground-based reality that the two countries maintain an ongoing dispute in the Ogaden region.
Taas oo marka la tarjumo macnaheedu yahay:
* Qaybtan ka mid ah xuduudda u dhaxaysa Ethiopia iyo Soomaaliya waxaa laga bedeley xarriiqdii isku xiriirsanayd (iyo Google Earth ahaa xariiqdaasi lahayd midabka huruudda) – oo macnaheedu ahaa “caalami” – waxaana loo bedeley xarriiq kala goo-go’an (iyo Google Earth oo xarriiqdaas laga dhigayo midabka casaanka) – taas oo macnaheedu yahay “in lagu muransan yahay” – si ay ug atarjumto xaqiiqada hakaas ka jirta oo ah in labada dal uu ka dhexeeyo muran socda ee gobolka Ogaden.
Markaas ayaa Google waxa uu soo bandhigay sawirkii uu markii hore khariidadiisa ku jirey oo uu bedeley iyo sawirka cusub oo uu ku bedelayo
Sawirkii hore:
![](https://blogger.googleusercontent.com/img/b/R29vZ2xl/AVvXsEikTZYUEfe98tndeT4-l2D5Q0axZCwcl7XO1oReN4QFqch-merYrKQmHPml3eXcuDxgqKZnWprH1chqvNU0HLDwBWfTApQqYhbLpZeq0or9s7Od3pjxm2z0ENh6sV-SvOUIxC964g3jBhI4/s320/somalia_border%5B1%5D.jpg)