Abshir nur Faarax (Bacadle)
Qorya raamso quudkana yaree qaadow adigaa leh
Boqolaal qorshoo wada qabya ah qaadow adigaa leh
Qoys dumaya qayliyo huruuf qaadow adigaa leh
Qalbi qooqan qoora aan waxtarin qaadow adigaa leh
Qardareeye kaadida qul quli qaadow adigaa leh
Jirkoo qaasha nadarkoo qayiran qaadow adigaa leh
Qalbi guban sigaar lagu qanciyo qaadow adigaa leh
Macdan qubta hawshoon laqaban qaadow adigaa leh
Hurda qarow ah soojeed qam qama qaadow adigaa leh
Iska qaado qaantana ha bixin qaadow adigaa leh
Qayil oo cun reerkiina qadi qaadow adigaa leh
Qashin iyo qashaabiir qurmuun qaadow adigaa leh
Qatar caafimaad oo qarsoon qaadow adigaa leh
Qalbi olol mar qabo oo qaniin qaadow adigaa leh
Qaraabo iyo ehel aan latabin qaadow adigaa leh
Qayrkaa shaxaad hana qajilin qaadow adigaa leh
Iska qari cidbaa kugu qabsane qaadow adigaa leh
Qabri ka hor qandha aan laga biskoon qaadow adigaa leh
Isqandiiri kana qoomamee qaadow adigaa leh
Ibliis qarowga aadmiga ku qaba qaadow adigaa leh
Afku wuxuusan ii qaban karayn qaadow adigaa leh
Qosol iyo qamuunyo isku xiga qaadow adigaa leh
Qasad dhaar ah qawl aan la fulin qaadow adigaa leh
Qur'aan lagu kaftamo qadaf iyo been qaadow adigaa leh
Cimri kuu qorraa qayb ka lumi qaadow adigaa leh
Qandiga fuqurka iyo quus rageed qaadow adigaa leh
Qureesh gabara waxa loo qawada qaadow adigaa leh
Dad qamaama qayliyo dagaal qaadow adigaa leh
Shaluu qaatay maantana qafaal qaadow adigaa leh
Qabyaalad iyo iimaan la'aan qaadow adigaa leh
Dhaliyara afkooduun u qoran qaadow adigaa leh
Wax ninwayni qaadoo qawada qaadow adigaa leh
Salaadaha dib qabo ama qallee qaadow adigaa leh
Xubna qaadiwaa sida qof qalan qaadow adigaa leh
Qabiltu jaanka aadmiga ku qabo qaadow adigaa leh
Dubaab lagu qarwoo kugu qulqula qaadow adigaa leh
Bisad ku quustay dabadeeda qabo qaadow adigaa leh
Qarjaf sayntu inay kuu tiraa qaadow adigaa leh
Qanaaskiyo was waaskaa qarsoon qaadow adigaa leh
Qandaraaska qaatumo xumada qaadow adigaa leh
Qarbaboosh ilkiyo gawsa qodan qaadow adigaa leh
Afqashuusha oon cadaygu qaban qaadow adigaa leh
Af qalala bushima qolof dhacsada qaadow adigaa leh
Qasban qayb daroogada ka mida qaadow adigaa leh
Qaflad aan dareenkeed la qabin qaadow adigaa leh
Ragoo quusta dumarkoo qawada qaadow adigaa leh
Faqiir qani ismoodoo qayila qaadow adigaa leh
Indha qoriya qaadirada subax qaadow adigaa leh
Qubays laga wahsado iyo qurmuun qaadow adigaa leh
Qamiis walaf quluub aan xasilin qaadow adigaa leh
Qoys laga dhixiyo qaaqla nimo qaadow adigaa leh
Waa quutul awliyo kidbiya qaadow adigaa leh
Qaamuuska waxa cay ku qoran qaadow adigaa leh
Inoo qaybi aan lagu qancayn qaadow adigaa leh
Qabsimadu inay kala xirmaan qaadow adigaa leh
Qurbaha joog adoon hawl ka qaban qaadow adigaa leh
Deg deg loo qasaariyo shilqoran qaadow adigaa leh
Qiso yaablohooy qarinayaan qaadow adigaa leh
Qofka daa'imoo qiima dhaca qaadow adigaa leh
Waxaad shalayto qabatoo qariban qaadow adigaa leh
Ku qasaar macaashkana ku qarow qaadow adigaa leh
Magnad kugu qasbiyo qaac ibliis qaadow adigaa leh
Hanti qaran qanaafiir ugee qaadow adigaa leh
Qaadicu salaadnimo asala qaadow adigaa leh
Intuu qadaf qof uun ku hadli karo qaadow adigaa leh
Lixdankaa qisoo wada qubxiya qaadow adigaa leh
Qaatala ka laahuye adigaa qaranka aafeeyay.
GEELA
Cali Abaar
Gabaygana waxa tiriyey abawan ki CALI ABAAR wuxun au tiryey geela ooaha xolah ugu adaga ugan qali san ee somalaida ahan xoolah had iyo jeer laga hadla hayo suuganta somaliyeed iyaga iyo fardahaba markaa isago amanaya wuxu yiri sidatan .
Kun Gaaddada habeed soo marshoo gigi ka yeedhayso
Aan gaar habeen seexanayn geelow adigaa leh
Ku gaaleemadii wada ridood luqunta good mooddo
Oo aan xeryaa soo geleyn geelo adigaa leh
Gaskujire markuu geedo cuno wada garmaameeya
Oo habarti goofaadhi badan geelow adigaa leh
Gurguurtaaga awrkee waqii gurada loo buuxsho
Ee guriga laga soo shixmado geelow adigaa leh
Galawada abeertee candhada labada law geysey
Ee aan gelgelimaa ka kicin geelow adigaa leh
Mid toddoba gu jirayoo mudkiyo kurusku giig beelay
Oo goonni daaqyada eryada geelow adigaa leh
Gabnadaan abiidkeed aqoon gobo'da caanoodba
Ee Ololka giicdaa taqaan geelow adigaa leh
Geydhada martida loo lisee gorofka loo qaado
Ee Gaawe laga soo gingimo geelow adigaa leh
Kii Dayrta wada goojiyoo haatan gucummeeyey
Oo naasku golof duuban yahay geelow adigaa leh
Waxay Gawrar daaqdaba hadday gubato laabteedu
Gendelkiyo haddii loo xidhxidho giringir loo xoodey
Oo ceelki uu gaadan jirey gadawga loo saaray
Oo inan u gaammuray Wadaan ugu garaacaayo
Gogga iyo haddi labada qaar gebi ka weynaado
Oo ay Candhada giijisoo gaax la kici weydo
Caanaha Gadiidkii qotoma geelo adigaa leh
Duq gabawdey oon labada daan gawsna kaga oolin
Oo gaawi laga buuxin jirey gelow adigaa leh
Garteedana hadday laba qabiil meel isugu guusho
Gashigeedu waa belo haddii laysu gaatamo'e
Gadhcaddaagu xaajada hadduu gacan-togaaleeyo
Kii godobta loo naqay hadduu gamasyo soo qaato
Gaajo iyo Haraad iyo naftoo kugu gadoodaysa
Guntiga iyo gaydhaha qabow geelow adigaa leh
Haddii uu nin gabadh doono oo guunyo badan dhiibo
In kastuu Gammaan soo dhuroo gobi is laab raacdo
Gacaladuba waxay saaran tahay sidigta Gooraane
Haddii Gool la qalo oo hilbaha laysu wada geeyo
Gogosha iyo Guurtida fadhida geelow adigaa leh
Iyadoo Hilaac galalac yidhi Garawo soo raacday
Iyadoo daruuraha gabdhamey dibugu soo guurtey
Iyadoo Gargaro meel leh iyo galax bannaan joogta
Guutooyin loo dhuray haddii weerar lagu gaadho
Gudguduudka waaberi haddii galidu soo yeedho
Gurboobkiyo haddii lagu hor dilo gaabka wada naaxay
Galaayuuska qaylada haddii la isku soo gaadho
Anigiyo gankaygii haddaan geeydh ka ledi weyno
Gebagebaha maantaa hadday Good ka ololayso
Maadhiin gawaamiyo hadduu gumuc ka qiiqaabo
Qoluunbay gariimadi ruqdaa oo gebi ku ciiraaye
Gorgor haashinaayiyo dhurwaa gigaya meydkiisa
Iyo goob xun oo rag isku dilo Geelow adigaa leh
QURBAHA
Oday qooxan oo aan iimanba qabin qurboow adigaa leh
Malag u qaysho wax hakuu qabtee qurboow adigaa leh
Quraanka beeni Bible-na qaado qurboow adigaa leh
Jesus qaade oo Ina Ilaah u qaba qurboow adigaa leh
Qiyaamana ma jiro dayaxana waa laqaban qurboow adigaa leh
Qadarkaaga moojiye qabqabta iga daa qurboow adigaa leh
Nin quxuub ah oo aan salaad u qumayn qurboow adigaa leh
Qaboow baa jiree oogada ha iska qoyn qurboow adigaa leh
Masjid qudbi leh oo wiigii mar la qaban qurboow adigaa leh
Jumce quurso Axadna qadari qurboow adigaa leh
Shaqadaa iga qabyaa ee hadhow baan qalayn qurboow adigaa leh
Ha iqaamin qiyaamkana yaree qurboow adigaa leh
Zeko qaadac qaarana bixi qurboow adigaa leh
Qaxar weeye ee quudka ha iska xirin qurboow adigaa leh
Xaj ha qaban qaaradahana dawaaf qurboow adigaa leh
Qasri dhis qadarna uma lihid qurboow adigaa leh
Nin qab wayn lahaa oo doofarka qali qurboow adigaa leh
Tie la qaato oo aan tacab la qaban qurboow adigaa leh
Qoom is qaba oo aan isqadarin qurboow adigaa leh
Reer isqoonsan oo ninku ehelkiisa qaban qurboow adigaa leh
Cayrna qaado miskiina ha isu qabin qurboow adigaa leh
Nin wax soo qaribay oo mucaarad isu qaba qurboow adigaa leh
Muslim quurso gaaladana quruxso qurboow adigaa leh
Qoys la keeno oo hadhow laga qoomamayn qurboow adigaa leh
Shabaab qamiisyo qaba oo aan shilinka quuri karin qurboow adigaa leh
Qurun la qooshto oo aan ceeb loo qabin qurboow adigaa leh
Qiiro laawe aan qalad aqoon qurboow adigaa leh
Barbaar qool leh oo dhegana qaba qurboow adigaa leh
Qof quustay oo qoorta iska xirin qurboow adigaa leh
Nin dikriga qaadi jiray oo daroogada qurqurin qurboow adigaa leh
Qur go’aysa oo dixrigu qulqulin qurboow adigaa leh
Mayd la qaadi oo sanduukh lagu qufuli qurboow adigaa leh
Dumar qoodayn oo ragu ubadka qaban qurboow adigaa leh
Hebel aan qaabilee adigu qadada kari qurboow adigaa leh
Talada qaado yaadan qaxine qurboow adigaa leh
Afkaba ma qorine suuqa qaban ogaa qurboow adigaa leh
Xijaab bay qabtaye yaa qaadka baray qurboow adigaa leh
Qolo aan gudnayn oo dumarkeena qaba qurboow adigaa leh
Budiste go’ qaba oon aan qaraabo nahay qurboow adigaa leh
Ilmo qabiran oon layr qaadan karin qurboow adigaa leh
Dhalaan qaylin oo aan caleen soo qaban karayn qurboow adigaa leh
Ciyaal tacliin qaata oon laylis qori karayn qurboow adigaa leh
Waa boyfriend qumane faraha iiga qaad qurboow adigaa leh
Dhalaan qariban oon qolo umaqnayn qurboow adigaa leh
Duul kuu qoyslaaya oo feylaha ku qalan qurboow adigaa leh
Qaxan oogan oo qaboow la bidin qurboow adigaa leh
Dabin qoolan oo qoobabka la suran qurboow adigaa leh
Qabqable yimid oo qoomku ushirin qurboow adigaa leh
Qado la siiyo oo qadarin loogu daro qurboow adigaa leh.
Gabay: Dacwad baan ka leeyahay
..................................................................................................................
Heshiiskii Iligdaldala markuu dhacay ka dib ayaa gumaysiga. Ingiriisku warqad u soo diray Daraawiish,wuxuuna ku yidhi: Mar haddii waanwaan iyo heshiis nabadeed ina dhex maray taliska Ingiriisku Daraawiish wuxuu weydiisanayaa sadex Hal
Midda Koow geeli Daboolane ee Daraawiish degmada Habaryonis ka dhacday inaad waxuun ka soo celisaan!
Tan labaad nimanka dabatada ah,oo Nugaal sare fadhiya oo dad iyo duunyaba mahoobbiyey,col iyo gaadeba inaad naga celisaan
Tan saddexaad,warsangeli wacad iyo heshiis baa na dhexmaray,markaa ka daaya Daraawiishta aad ugu yeedhaysaan
Daraawiish markii hadalkaas loo keenay waxba kama gilgilan danina waa seeto, waxay yiraahdeen, 1)Midda hore xoolihii daraawiish lagaga dhacay meesha la yiraa caado dabadeedna Burco la keenay noo celiya 2) Midda labaadna doonidii aaannu dabka u dirsannay Ciise dhoollawaana rubbaanka u ahaa oo aad baddaas ka qafaalateen,iyadii iyo wixii saarnaaba noo celiya oo aan sidaa wax isku weydaarsanno. Doodaas darawiish Ingiriisku waa ku gacan sayray,wuxuuna marmarsiinyo ka dhigtey "xoolihii Caado laga dhacay Ogaadeen baa dhacay,Ogaadeena amxaaro buu la jooga, Doonnidana talyaani baa qafaashay,talyaani qareen uma aha Laba doodood ee Ingiriis soo jeediyey Daraawiish ma garowsan .Sayidkuna masafo dheer oo uu ku caddaynayo inuu Ingiriisku musuqmaasuq wado buu mariyey ,waana tan
Ogaadeen ha ii dirin.dacwad baan ka leeyahay
Duul haad Amxaaraa,kaa dooni maayee
Wuxuu aniga iga dilay,diyo hayga siinnine.
Doofaar inuu yahay, anigaa u diin lehe
Amba waa ku daba geli, dakanka iyo qaankee
Dirhan haddii aan kaga tago, anaa been dabaadehe
Waxaan kaa dalbahayaa,duunkaagu wuxuu qabo
Intaad dawladduu tahay, adigaw damiinshe
Ma waad diidi nimankaad,dumataye i soo dhacay
May dowga caadood,galbeed uga dareershaan
Dalkaad adigu joogtiyo,Burca maxay ka dooneen
Dar alliyo heshiis iyo,ma daawaad lahaydeen
Mase waa dayoobeen,doqon baa habowdee?
Dabadeedna sow maalkii,dacalkaaga kuma shuban?
Sow daabacaagiyo,daftarkaaga kuma qiran?
Sow duhur dharaareed,dibnahaaga kama qiran?
Sow sida dameer raran,dusha kaama fuushaana?
Miyaan duudsiyaayaa,kulaan Dabacayuun helo?
Haddaad daacad ii tahay,doodaye maxaad oran?.
Dafir miyuu wax kuu tari daliilkii ku siiyaye?
Doonnidii ma aan arag, dacwad baan ka leeyahay
War maxaad durduradiyo,dan la'aanta ugu dhiman?
Hadal aan dawo lahayn,sow kama diqootaan?
Dakhalkiyo shiraaciyo,badda yaa u dowlada?
Talyan waa dadkaagiyo,daayiciin aad wadataa
Haddii aanad duqlaalayn Dannood sooma aadeen
Diraac doollo iyo ciid,duullan kuma yimaadeen
Diigaanyo ciidana,darka nooma keeneen
Dildillaaca waaberi,weerar naguma daacsheen
Durqun nama dhex joogine,adaa hiil ka daalibay
Adigaa durraamiyo,docogaysi ula tegey
Adaa yiri Daraawiish,dirirteeda ii raac
Asna diradirayntaada,iga deyso kuma odhan
Intaad dacatiyaysana,sow kulama daalayn?
Sow dab iyo xooliyo,daabbad kuguma caawinin
Sow daraaddii kuma imaan,Hobyo wixii ka soo degey?
Sow duubcaddaydii,raggii dooxay ma ahayn?
War nin shalay damiinyahow,igu dilay daraaddaa
Berri haddaydnu dirirrana,dusha iga wareentayn
Daawadayda maahayn,ma ku dayrsamaayaa?
Durruflayda gaalaad,adaa daaqsanaayee
Miyaan kala deyaayaa,adiga iyo deriskaa
Warsengeli doc uga bayr,dacwad baan ka leeyahay
Mar hadday ku doortaan,isku diirad miihine
Dabcigaygu ma oggola,nin kuu daalasayee
Daraawiish hadduu yahay,sidee doc uga leexdaa?
War daarood ismaaciil,dir miyaad wadaagtaan?
Durriyadii adoogay,miyaad iigu duurxuli?
Sow deero iyo cawl,doraad adigu kama dhigin?
Sow dukaamadoodii,daarahaaga kuma guran?
Sow doonyahoodii,dookhaan naara kuma ridin?
Sow dooro weynow,ma deldelin raggoodii?
Inay kuu dudaayaan,sow maba dareensanid?
Inaad dooc lillaynayn,diyaar kuu ogaaddee
Dikrigiyo shareecada,labadaad ka duudiye
Durdurkii firdowsiyo,jannadaad ka daahiye
Darbaddii cadaabkiyo,dukhaankii baad ku tuuriye
War inaad dagaysana,sow dareemi maayaan?
Ma ku diirsanaayaan,deelqaafkan aad tiri?
Dumarkii ma furayaan,xilihii dalaaqee?
Geela soo dareerina,dacwad baan ka leeyahay
Anigaba dunqaariyo,dacataa i gaaraye
Dibirrootigaaga,lawyada i diiraye
Qayradii daruurrayd,adaa damug ka siiyaye
Dulbixii Gallaadiyo,dudmaa ii horreysaye
Daa'imaan wax garannine,digniin iim laabnee
Dabarka ciise lagu xiray,anaa laygu dooniye
Degdeg haddaan looga furin,dunidaa ifsaadiye
Dantay baan la yeeraye,yaan laygu diimine
Deeqi igama juustee,wax ma kala dillaalaa?
Dabatada aad sheegtana, dacwad baan ka leeyahay
Oo wixii inoo dana,durba maysu yeellaa?
Mase ways daboolnaa,nin dulmiyan allaa oge?
Adigaa dulleeyoo,duunyada ka qadoo
Adaa degalladoodii,digaxaarka mariyoo
Diinkiyo dugaaggiyo,adaa duufka siiyee
Intaasoo darxumadaa,adigaa u diiqaye
Hadday daqaqamaanoo,wuxuun kaa danqaabaan
Oo waxaan dux gelinayn, duleeddada ka xaabaan
Iyagaba dan gaajiyo,diihaal baa u geeyaye
Anna haygu diga gubin,adiguna dan haw gelin
Dayib haddaadan oranayn,dabuubtaan ku leeyahay
Oo doxorayaashii,been kugu dakhaakhuli
Bal inaan dugsuu ahay, amaan idin ku soo diray
Hadii aadan danbaabayn,daahir marag ah soo taag
Gabay: Boga Daawad
-----------------------------------------------------------------
Niman badan oo Warsangeli ah Maxamud cali shire na madax. u yahay ayaa Sayidka maxamed xoolo fara badan siiyey oo geel fardo iyo ariba leh, dabadeedna is-afgaranwaa ayaa ka dhex dhacay,waana kala boodeen,dareenna waaba kala galay!" Dabadeedna degmadii xaruntii ka guureen oo waxay tageen buura Calmadoow,Daraawiishna,qabuulse lagama helin. Daraawiish waxay guddoonsatay hadday ka tashadeen inay dadkii iyo duunyadey la tageen ka soo ceshadaan waxase isku gudbey oo fardihii u mari waayeen buurihii Caleed iyo togag aan laga tallaabi karin.Daraawiishi waxay qabeen geela iyo fardaha ninna in aanu yeelan karin ee ay rag oo dhan ka dhaxeeyaan, hase yeeshee xilligii guga markay ahayd oo degmadii soo feddabaxday ayaa Daraawiishii geelii gacanta ku dhigtay, dabadeedna ku digasho darteed ayaa Sayid Maxamed gabay gaaban u mariyey waxuu yidhi:-
Bogadaawad waataan lahaa,bari ka soo dhiibe
Waataan bidhaan quruxsaney,soo bojooy iriye
Waataan baadi celiyoy lahaa,yeeyan baylihine.
Barbar uga du' waataan lahaa,buurta yey korine
Waataan banuu diid lahaa, yeeyan baalidine
Waataan bad kuma caymatee,soo barrooy idhiye .
Boholyowga Hawd bay durduro,budulka raacdaaye
Ballishiil kaliishay tagtaa, biliqda dayreede
Kobta ariga beeduhu degey,kor uga baaddaaye
Banka waa ka carartaa sidii,gan iyo buubale
Baqoolaa hadhkii bay sidii,badalli roortaye
Biciidkey ku darantaa sidii,bahal ugaareede
Bicil faraq ku yaal bay tiqiin,baariga u saare
Hareeriga ka baxay foocyadey,baaca gelisaaye
Sida geriga beryaha ah bay, bucusha laacdaaye
Bilbilaha mareedh caarley,baraqda daqdaaye
Barqamaaga geyraha baxay,balaga goysaaye
Caleen baacday tuurfaahistey,bulush cantuugtaaye
Bisiq hamasha buuniga dharjada,udug buuracowga
Burdad ubax leh baar iyo uneex,baqas ku fuuraaga .
Bunta waran barraajistey,balala qaadaaye
Bakadaha iyo xiitoolahay,banan u raacdaaye
Burca toon leh bacad ciidle bay,bara hoyaaddaaye
Intaasey ku baayiri,jirtoo baashi ku ahayde.
Baran mayso meeshaa degtaan,boqol Alluu-naarye
Bog qalluudan beer godani waa ba'iyo hooggeede
Ka soo bixiya waataan lahaa, baalcadii Gubane .
Jiilaal barraahsaday hadday,bila ku soo oonto
Badowlahada waataan lahaa, baara haw horine
Balxis geeya waataan lahaa, wey baduuxsamiye.
Bilcataabihii iga xadaan,uga baqaayaaye.
Waataan baatriteedii lahaa, buurka yay tebine
Hal ma bededo waataan lahaa, beeya-gurihiiye
Waataan ku iri hayga bixin,barqab baa dhalaye
Ka bariiya waataan lahaa,beydda yuu jarine.
Bushuma aan run lagu oran waa,lagu beloobaaye
Waataan bahdaa yay ku lumin,kuula baashiraye
Waataan bad baan kugula dhici,baane kuu iriye.
Bih-ina-faatax biixida jabtaan,baani kabihayne
Awel bay badaawidu galeen, bohol Walwaaleede
Macayeedna buufamehey,badaha raaceene.
Adigana baroor bay indhuhu,kula basaaseene
Bulxankeeda olol ba ka roon,adiyo beeggaaye
Haddaad haatan biixida wadheen,bag iyo haankiinna.
Gabaygan tariikhdiisa Soomaalidu aad ayey u taqaanaa. Waa dagaalkii dhexmaray Daraawiish oo dhinac ah iyo Majeerteen iyo Warsangeli oo dhinac ah oo ay kala hogaaminayeen Maxamuud Cali Shire iyo Boqor Cismaan, siday u kala horeeyaan.
Alle ha u raxmee Sayidku wuxuu yidhi:
- Nimanyahow dabuub gabay baryahan uma dadaalayne
- Wax idaaray mooyee xalaa laygu soo dagaye
- Aan dabiibto gabaygaygu waa dab iyo baaruude
- Unkad dirigriglayn baan ahiyo dirirta cawleede
- Daad soo rogmaday baan ahoo dooxadii yimide
- Aan durduro dabaal baan ku mari Doollo ii xidhane
- Dayax iyo shamsaan ahay haddaan lay dafirahayne
- Gudcur dam ah habeen dumay cirkoon dacal ka nuuraynin
- Ma danyado talaabada haddaan dawga marayaaye
- Dugsi haddaan la galin dhaxanta waa lagu duloobaaye
- Dabaylihiyo fooraa la tegi daar waxaan galine
- Deyrodhaafyadaan shidahayaa dogobyo waaweyne
- Dubaax ma aha xaajada midaan diirka ka cadayne
- Diirsimo halkii aan ahayn waa siddii danafe
- Waxa dunida qaarkeed ka dhacay dood aan ka idhaahdo
- Daayimow Allahayoow adaan dunida moogayne
- Daandaansi ina-aadanaa loogu dawgalye
- Deyn nimaan ka qabin buu nafluhu daba galaayaaye
- Haddii nalagu soo diray khalqiga Dir iyo Daroodba
- Warsangali haddii uu dunjigii diricyo soo qaatay
- Dashiishiyo Majeeteen haddii deexda laga keenay
- Guutada lasoo dumay haddii nalagu soo duushay
- Wax lasoo dadaanshaba haddii nala dul garriishay
- Dildilaaca waaberi hadii nalagu sii daayey
- Annagoon digniin qabin haddii nala dreensiiyo
- Digta weerar qoobkii hadday dininigtii yeedhay
- Dooyada uluufta ah hadday Daalo kor u dhaaftay
- Qaylada daluunta ah haddii nala dareensiiyo
- Degdeg inaan usoo rooro waa dawlad alabkeede
- Ma dul keennay kuman duub cadoo wada Daraawiish ah
- Dirki hadduu kusoo galay xarbiga aniyo duulkaygu
- Dayaaydii horeetaba baqay dabada taageene
- Diigaanyo ciidan ah miyaan daafta kala raacay
- Sidii aar daloombiyi markaaan ugu dinaahyeeyey
- Dullihii shareerraa markuu dibawga jiidhaayey
- Daanyeerku meeshuusan marin dani ma jeexsiisay
- Denbi ma leh cadaawaha ninkii deli ka xooraaye
- Darajuu Ilaahiis ka heli labada daroode
- Dubku iima naxo nimay kufriga deris wadaagaane
- Ferenjiga direyska leh kuwii diirada u qaaday
- Iyaguba dariiqada Alliyo diinta caasiye e
- Waxay noo duleedsheenba waa doora-weynaha e
- Dulmigaan banaanayn kuwii doofil ugu hiishay
- Haddaan daayo waa aniga oo daawadii furaye
- Danabkii rasaaseed miyaan diillin kaga yeelay
- Dareemada ka badan meydka yaal didibta buureede
- Dhiigoodu sida doogsin roob waysagii duxaye
- Dugaagii hilbaha quudan jiray loo dayaafadiye
- Nimanyahow af laba daan leh baan muranka deyneyne
- Daleelaha cidlaa lagama shubo hadal daleeleede
- Ma duqaynay Reer Bari wuxuu doonayuu helaye
- Aniguba dilkoodaan ku helay libin daboolayde
- Daa'irada Eebiyo markii deeqa nala siiyey
- Ma dabaaldegiyo muufahaa duhur la gaadhsiiyey
- Duca awliyaad buu qabaa degaha Tuurwaaye
- Waa niman gaalada deldala doog iyo abaare
- Waa nimanka doofaarradii daariguu jaraye
- Roobkiina waa kaa u da'ay duraha jiilaale
- Waa kaa dalkoodii ballidu wada duraabtaaye
- Waataa arladii daahirtee diib kasoo kariye
- Cawskii dumaayoobay baa doog kasoo baxaye
- Dalagyadiyo dooxooyinkii diisha iyo qaare
- Dunqaarihiyo xamshkaa sidii diriq la moodaaye
- Maalkii diraacdii dhalaa doobke loo culane
- Duunyada wxa laga maalayaa darartii caanoode
- Rabbogii dawaa'iga sidaa deeqii noo ridaye
- Afartaa dujaye bal aan mid kale deelka ka higaadsho
- Aan dabeebti eegana halkay damacday laabtaydu
- Dacwad kalana waa Ina-Mashire hadal aan deeqsiiyey
- Aday deyrshay maantaan ahaa duri xigaalkaaye
- Adigay dafiray sidii anoo duul shihseeye ahe
- Waa taynu dersinaye adaa daawadii furaye
- Doolaalo adigowgu tegay gaalka duufka lehe
- Adigaa dariiqada Alliyo diinta caasiyaye
- Goortaan ku daayana adaa diiday nabadiiye
- Wax dhaaxaan dadaalkaa u maray celi cidhiidhyoone
- Wax dhaaxaan dunqaaraha lahaa dib uga soo jooge
- Maantaa dubihii kugu dhacaye duxi ha kaa raacdo
- Waadiga dagaagaye sidii dalow u meertayso
- Ama deyrka xidho waa taqaan dabin Inshaalleeye
- Ama doofil qabo caydhi waa diifta kugu taale
- Ama quud dulleeddada ka xaab dereg haddaad weydo
- Ama daaliboo bari inuu kuu dawaro uunku
- Ama duunyo raac noqon cidlaa kaaga sii darane
- Ama doonyihiyo saaxiliyo Cadan dillaaleyso
- Ama dooy u dhoofoo u carar dal aan la gaadhaynin
- Ama dirkiinii carshiga dogobbadda u raaro
- Ama duurgal iyo tuug iyo dagati uun dhawro
- Ama dabada gaal baad tahaye dacay ha kaa saarto
- Ama doora-weynoo baqdaye dirir us oo joogso