Wararka naga soo garaya magalada Oslo ee Wadanka Norway ayaa waxaay tibaaxayaan in Musharaxiinti ka tagnayd Xisbiga Shaqalah ee Wadanka Norway Asal ahana ka soo jeeday Wadanka Somalia ay dhamaantood ku soo baxeen Dorashadi Golalah Deeganka Magalada Oslo
Baashe Muuse. Ubax Cabdiqadir. Fadumo Madar oo dhamantood ka tagna Xisbiga Shaqalaha ayaa ku gulaystay Tartaanki ay ugu jireen in ay mar un ku soo baxaan Dorashad Golaha Deeganka Oslo.
Somalida ku dhaqan wadanka Norway ayaa aad u faraxsan manta ka dib marki ay heleen Wakilo Rasmi ah oo u mataala Golaha Deeganka Oslo.
Guusha ay gareen 3daas musharax ayaa waxaa qayb weyn ka qatay dhamaan Somalida ku nool Wadanka Norway oo har iyo habeynba u tagna sidi ay ugu gulaysan lahayeen Dorashada Golaha Deeganka .
Tani waxaay noqonaysa Waji Cusub oo u furma Somalida ku dhaqan Wadamada Scandenevian ka waxana la filaya in dorashoyinka so socda ay Somalida gulo waweyn ka soo hoyn doonan
Shabakada Baargaal Media