Tan iyo intii dawladi Soomaaliyeed burburtay waxa abuurmay hunguri madaxnimo oo qof kasta damaciisu noqday side mansab ifka ah ku hesha iyadoon lagu xisaabtamin mansabka aakhiro ee ka bilaabmaysa marka iilka lagugu duugo ilaa maalinta la is xisaabayo.
Damacaasi wuxu sababay wax badan oo u ah asalka saldhigis la’aanta nabada iyo dawladnimo la’aanta:
Samaysiyo Maamul Goboleedyo.
Samaysiyo Isimo faraha ka batay.
Ururo Diini ah.
Colaad.
Waddanka Soomaaliyeed waxa cadowga gumaysigu u kala qaybshay shan qaybood shir lagu qabtay Berlin 1885. Qayb Uk, qayb Italy, qayb France, qayb Ethopia qaybna Kenya. Sida waxa shacbki wada dhashay ee Soomaaliyeed lagu kala qoqobay xeryo kala duwan iyadoo looga dan leeyahay kala qaybinta codkooda, cududooda iyo calafkooda lagana duulayo qaybi oo xukun.
1991 marki dawladi Soomaaliyeed lagu afgembiyay cudur qabyaaladeed aya waxan iman nidaam lagu aqoonsado wax dumise wax dhisa, taasi oo ay sabab u tahay jacaylka Madaxnimada iyo cudurka qabyaalada.
Marki ay noqotay in xaaladu tahay hirdan xukun aya ki qaday samaystay Maamul Goboleed u gaar ah iyo wax loogu yeedho Wasiiro iyo Xildhibaano isagoo isna sheegta Madaxweyne. Bal aan isku dayno inta ila hadda jirta:
Inkastoo ay maamulada hadda samaysani aad u tiro badanyihiin bal aan xuso intaan ka gaadho: Puntland, Somaliland (oo iyagu goosasho laga akhrisan waayay sheegta), Galmudug, Ximan iyo Xeeb, Mareeg land, Cawl land, Galguduud land, Hiiraan land, Shaleemo land, Azania land, Haylaan, Central state of Somalia, Banaadiri, Jareer weyn, Cawo, Gaagaab State, Raas Casayr, Southern state of Somalia iwm.
Waxa lagu wada inay sii badan doonaan oo gobol kasta dhawr yeesho sida Galakacayo oo laba leh, Beledweyn oo 3 leh, Kismaanyo oo dhawr leh, Baydhabo oo dhawr leh. Dhammaan hadafkoodu waa madax jacayl.
Dhanka Isimada aya iyana waxa caado noqotay in ummad badani Koofiyad, Cimaamad iyo Bakoorado wada qaateen afar taageerana is barbar dhigaan iyagoo hadafkoodu yahay ku xoogsi gaar, dumin dhaqan, dumin qabiil, dumin xeer. Xigmada labaad ee intaas dheer ba ah haddii Isinki caddaaladi iyo dhaqanki tuuray oo eex reer iyo danaysi galay maan amba mid samaysto ama isku caanoboodhe shubo.
Dhanka kooxaha Diiniga aya iyana haatan noqday qaab xil ku raadis. Waxa soo ifbaxay in shaqsi aan diinta ka noqon Karin mufti uu qaato cimaamad, garweyna la baxo, qamiisna qaato, tusbax dheer qoorta sudhaan, kitaab ay qaarkood sida carabta gaalada ah ee reer Shaam uugu xaragoodaan tusbaxa ay gacmaha ku qaataan. Muddo ka dibna ay xil si ay u helaan ku dhawaaqa urur sida kuwa ciida ka badan ee hadda jira.
Dhanka colaada waxan ku soo koobaya faalladeeda 20 sano aya dawladi maqantahay welina lagama xiiso jabin colaadi, waxana dhammaan ku salaysanyihiin ka fogaansho rabbi, waxana lagu kordhiyay arrimo dhaqanka ku cusub sida Masaajid weerar lagu qaado oo lagu laayo shacab muslim ah oon xita la aqoon qabiilkooda iyadoo ujeedadu laga yaabo inay tahay aqoon loo qabo badi qoyska ku tukada, shaqsi la dilay oo meydkiisa lagu faano oo sawiro laga qaato marna kabo lala dhaco dharkana laga furto, meyd madaxa laga jaro oo wadada la soo dhigo iyo wax ka sii daran ilaahay ha innaga fogeeye.
Dhaqan Doorsiga Iyo Cilmi Korodhsiga.
Ummaad badan oo Soomaali ah aya colaadaha dalka ka jira awgood ka baxay dalka kuna milmay dawladaha caalamka badidooda. Dalalkaas aya qaarkood jinsiyad dhalasho siiyeen qaarna degganaansho cayiman qaarna laga ugaadhsada oo dhib lagu haya.
Joogitaanka qurbaha aya dheef iyo dhaawac badanba laga dheefay, waxana wax ka taaban doona qaar ka mid ah. Dheefta aya waxa ka mid ah:
Hanti lacageed.
Cilmi korodhsi.
Nabad.
Daawayn.
Dhaawaca aya waxa ka mid ah:
Dhaawac diimeed.
Dhaqan guur.
Lumis afki hooyo
Dhalan gedi
Kudaal ama Haajir
La xiriir Qoraaga Faaladan : qaal15@yahoo.com
Shabakada Baargaal Media