Ciidamada Maamul Goboleedka Puntland ayaa howlgal ay ka sameeyeen meel
waxyar ka durugsan dekedda magaalada Boosaaso, waxayna gacanta kusoo
dhigeen markab laga leeeyahay dalka waqooyiga Kuuriya oo la sheegay
inuu shamiito ku daadinayay meel ku dhow xeebta magaalada Boosaaso ee
gobolka Bari.
Markabkan oo ay saaran tahay shixnad Shamiinto ah ayaa la sheegay inuu
ka yimid dhanka magaalada Muqdisho, sidaas waxaa shaaca ka qaaday
Taliyaha ciidamada badda Puntland oo shalay warbaahinta kula hadlay
gudaha dekedda Boosaaso oo lagu soo xiray markabka.
Taliyaha ciidamada ilaalada badaha Maamul Goboleedka Puntland Admiral
Cabdirisaaq Diiriye ayaa sheegay in markabkan laga soo qabtay
deegaanka Buruc iyo Bacaad oo 20-km Bariga kaga beegan magaalada
Boosaaso, xilli uu badda ku daadinayey Sibir aad u tira badan.
Sidoo kale Taliyuhu wuxuu intaas kudaray in Shimeentadan laga keenay
dalka Imaaaraatka ay soo diideen ganacsatadii loo wadey oo ku sugan
magaalada Muqdisho, kadib markii ay ka war heleen in uu yahay mid
qoyan tayadiisuna ay aad u xun tahay.
Shaqaalaha markabkan oo ay tiradoodu gaarayso 33 qof ayaa si dhab ah
loo ogeyn sababta ku kaliftay in ay badda ku shubaan Shimeentada.
Sida la rumeysan yahay in Badda dalka Soomaaliya ay sanad walba lagu
qubo qashin aad u tira badan, arintaas oo khatar weyn ku ah noolaha
badda iyo guud ahaan Caafimaadka dadka Soomaaliyeed.
Shabakada baargaal.net
Baargaal@gmail.com