Marka aan jawaab kooban ka bixino Su'aashan waxaan oran karnaa,midna
waxay wafaqsantahay sharciga,dastuurka qaranka,fereraalnimada caqliga
baniiaadamaha iyo waliba qanuunka dowliga ,midna way khilaafsaneed.
Hadaanse damacno inaan sii jilcino,oo ku xeel dheraano waxaan oran
karnaa, Waxay ku kala duwanyihiin :
Ugu horeen waxaa kala duwanaa ujedooyinka loo kala socday
Wafdigi kowaad ee maalintii Arbacada 7/11/2012 ee Muqdisha ka socday
(aan ku magacaabno wafdi), ujeedada socdaalkooda oo ay iyagu sheegteen
waxuu ahaa:
"sida loo ambaqadi karo dhismaha iyo diyaarinta maamulo heer deegaan
ka soo bilawda oo laga hirgaliyo gobolada Jubbooyinka."
Taana waaa mid khilaafsan Dastuurka Qaranka loo dajiyey,iyo hadalkii
uu u jeediyey MadaxweyneCulusow Shacabka Reer Hiraan oo ahay in Reer
hiraan ay maamulkooda dhistaan,iyo waliba dhaarti ay madaxda
dowladda(Madaxweyne,Afhayeen, Wasiirka kowaad), oo ahayd in la dhowro
sharciga,dastuurka,rabitaanka degaanadda,shacabkana meel kasta oo uu
joogana si siman,daacadda oo cadaaladi ku jirto loola dhaqmo.
Waxaa kaloo jiray ujeedooyin qarsoon oo aan la sheegin,lakiin laga
garankarey xubnaha ay ka koobnayeen.
Wafdigi labaad ee maalintii Sabtidi 10/11/2012 ee Nairobi ka tagay
Ugu horeen siday saxaafaddu qortay:
"Wafdiga Nairobi ka yimid waxay ka koobnaayeen xubno deegaanka ka soo
jeeda oo qeyb ka ahaa shir maamul loogu sameynayo gobolka iyo
saraakiil Urur Goboleedka IGAD ka socota."
Hadaba sida ku cad warsaxaafadeedka wafdigu wuxuu waafaqsanyahay
sharciga Federaalka ,dastuurka qaranka, iyo caqliga fiyow ee aan
colaad iyo cadaawada lahayn,iyo qawaniinta dowliga oo ah dadka
degaanka inay ayahooda ka tashadaan si wafaqsan shuruucda ay dhigteen.
Intaa waxaan ku darayaa ugu horayn: degaanka Jubooyinka waa nabad, waa
hodan wuxuu leeyahay dad ku dhashay ,dad u dhashay,iyo dad ku
dhaqmay,dad hanti ma guuraana ku leh,fac ka fac ka awoowe ku nolaa
sida taariikhda faca dheer ee aduunka ay qorayso,khariidadaha
degaanadana Bulshooyinkana ku cad umana baahna in manta fasir iyo
khariidad cusub loo doono.
Waxaa kaloo xiga in degaanku uu ka mid yahay degaanadda dhibka weyn
soo gaaray xilligii dowlad la'aanta,oo dulaan badan oo dhib geestay ka
soo gaaray,dad ku soo duulay oo mar walba magacyo iyo ujeedooyin kala
duwan huwanaa sida (USC,Libaaxyada Galguduud,iyo Isbahaysiga Dooxada
Jubba).
Ugu danbeyn caqliga fiyow wuxuu na farayaa inanan lo baahnayn manta in
la soo noleeyo guluf coladeed, oo xambaarsan magac dowladeed,hadii se
laga waantoobiwayo waxay keenidoontaa cawaaqib xun,oo shalaayti ku
danbeyndoonto.
Maxaa yeelay manta aduunyada oo idil ishay kuwada haysaa Somaliya,wax
sira oo qarsoona ma jirto,wax tariikha oo si dadban loo fasari karana
ma leh,qofki la yimada fal khilaafsan halganka loogu jiro nabad ku soo
dabaalidda Somaliya,wuxuu la kulmidonaa isweydiin iyo ciqaab qoomameyn
leh.
Tii Eebana waa halkeedi , oo ah daalimka waa loo seeta dheereya ee
ciqaabta Eebbe ma gafto,kolay haday noqoto, xayuubinta Xilka maga leh
ee uu qof wato.
Dulmi ha la iska Ilaaliyo, gaf ha la iska dhowro, khiyaano ha laga
fogaado,eex iyo belaysi yaan lagu dhaqmin,Dastuurkana ha lagu dhaqmo.
Golaha Barlamaankana xil weyn ha iska saro Ilaalinta shuruucda iyo
wixi lagu hisheeyey,
Maxamed Maxamud ALORE
Suldaan Research Center