القائمة الرئيسية

الصفحات

Faahfaahin Madaxweyne Faroole Oo Ka Badbaaday Qarax Boosaaso

Ilo wareedyo madax bannaan ayaa sheegay in madaxweynaha maamulka
Puntland Cabdi Raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole uu ka badbaaday qarax
maanta lala eegtay baabuur galbineysa oo ku sii jeeday magaalada
Boosaaso ee gobalka Bair. Madaxweynaha iyo kolanyadii waday ayaa la
sheegay in ay ka yimaadeen deegganka Carmo ee gobalka Bari halkaasoo
ay ku sugnaayeen maalmahan. Qaraxa ayaa la sheegay in uu ka dhacay
deegganka Laba-Wanleey oo ku yaalla duleedka magaalada Boosaaso.
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaraxa iyo khasaaraha uu geestay,
warar ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa mid lalabartilmaameestay
kolayada waday madaxweynaha halkaasoo ay ka dhasheen dhimisho iyo
dhaawac, laakin ma cadda tirade inta uu la egyahay. Warar kale ayaa
sheegay in qaraxa uu ahaa bam ka baxsaday mid ka mid illaalada
madaxweynaha isla markaanna uu dhulka ku dhacay siddaasna uu ku
sababay khasaaro naf iyo maal. Si kastaba, madaxweyne Faroole ayaa la
sheegay in uu soo gaaray magaalada ganacsiga Puntland ee Boosaaso.
Dhinaca kale, Madaxweyne Faroole ayaa markii uusoo gaaray Boosaaso
wuxuu la hadlay saxaafadda isagoo digniin u diray siyaasiyiin uu
sheegay in ka so jeedan deegannada Puntland kuwaasoo qalalaaso
siyaasadeed kawadan maamulka Puntland. Wuxuu sheegay in
siyaasiyiintaas ay ka soo horjeedaan in hal-sano loogu daro xillkaas
taasoo uu hadda doonayo.

Baargaal media