Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in xalay lagu
dilay magaalada laba ruux oo mid ka mid ahi uu ahaa nin Oday dhaqameed
ah oo si wayn looga yaqaanay.
Dilkan labada ruux loo gaystay ayaa sida lasheegay waxaa ka
danbeeyayniman dablay ah oo iyaga aan gacanta lagu soo dhigin.
Xiliga uu dhacay dilku ayaa la sheegay in Oday dhaqameedku uu ka soo
kacay meel maqaaxi ah oo uu shaah ka cabayay kadibn lahuwiyay rasaas
halkiina uu ku geeriyooday iyada oo isla dablaysaa sida ay wararku
sheegayaan ay khaarajiyeen goob aan goobtaa ahayn qof rayid ah oo kale
lamina garanayo sababta ka danbaysay.
Dhanka kale waxaa meesha markii ay ka fakadeen gacan ku dhiiglayaashii
soo gaaray ciidamada amaanka ee magaalada Boosaaso kadibna baaritaano
ay ka sameeyeen aagii ku guul daraysay inay soo qabtaan gacan ku
dhiiglayaasha.
Waayahan danbe ayaa magaalooyinka Puntland ayaa waxaaad moodaa in ay
ka amaan xunyihiin kuwa ay ku loolamayaan ciidamada dawlada iyo
Al-Shabaab.
T