Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa noqdey qofkii
u horeeyey ee ku dhawaaqey Xisbi Siyaasadeed deegaanada Puntland.
Kalfadhigii baarlamaanka Puntland ayaa waxaa maanta waxaa soo
xaadirey golaha xukuumadda oo uu hoggaaminaayo Madaxweynaha Puntland,
Saraakiil ciidan iyo masuuliyin kale.
Xisbiga Horseed Madaxweynaha Puntland ayaa khudbad uu ka jeediyey
Hoolka baarlamaanka sheegay in maanta ay tahay maalin farxadeed isla
markaana uu daaha ka rogayo Xisbigii u horeeyey ee siyaasadeed, ee
Puntland, magaca xisbiga ayaa noqdey Horseed, waxaana astaan looga
dhigey Nabad Midnimo iyo Hormar. Astaanta xisbiga ayaa noqotey geedka
gobka la yiraahdo, waxaanc alan looga dhigey maro Cagaar iyo Caddaan
isugu jirta taas oo u eg calanka Puntland loo sameeyey. Madaxweynaha
ayaa sheegay in Xisbigiisa ay ku wada jiraan 66 Xildhibaan ee xilku ka
dhacay iyo 61 wasiir oo lagu daray isaga iyo Madaxweyne kuxigeenka,
sidoo kale waxaa ku jira qaar kamid ah Guddoomiyaasha gobolada.
Maalintii shalay ayaa Golaha wakiilada ee xilkoodi dhamaadey qiimi
dhin uu soo jeediyey Madaxweynaha Puntland lagu sameeyey furashada
Xisbiyada lacagta lagu diiwaan galinayo waxaana laga dhimey 50% 15 000
oo dollar ayey ahayd waxaana ay timid 7500 oo dollar, muddada Guddiga
Doorashadu u qabtey diiwaangelinta Xisbiyada waxaa ka dhiman 27
maalmood, waxaase la filayaa sida qiimaha loo dhimey in Madaxweynuhu
mar kale codsado in waqti loogu darro.
Shabakada baargaal.net
Baargaal@gmail.com