القائمة الرئيسية

الصفحات

Maxey ku kala duwanyihiin caashaq iyo jaceyl, waa kuu muhiim



Si ay noogu cadaato ama aan u helno jawaab dhaba waa inaan is weydiinaa su aashaa ka hor labo su’alood oo kala ah:-
1. Waa maxay caashaq?
2. Waase maxay jaceyl?

Hadaba jawaabaha labaan su’aalood ayaan waxaan ka heli karnaa farqiga rasmiga ah e u dhaxeeya jaceylka iyo cashaqa.
Ugu horeyn marka an soo qaadano erayga (jaceyl) oo aan macna u sameyno ayaa waxa aad dareemi kartaa inuu macnihiisa qofba si ula muuqan karo tusaale ahaan jaceylka ayaa waxa la oran karaa rabitaan ama baahi aad u qabto sheey ama qof aad markaas jeceshahay dhamaan luqadaha aduunka ayaa waxa ay ka simanyihiin macnaha eraygan jaceylka oo ay intooda badan ay ku soo koobeen rabitaan ruux uu rabo, ama doonitaan uu shaqsi wax doonayo.

Quburo ku taqasusutay arimaha jaceylka ayaa waxa ay baaritaan ay sameeyeen ku xaqiijiyeen in jaceylka dunida u badani uguna qatarsani uu dhex maro hooyada iyo dhalaanka a dhashay wuxuna baaritaanku intaas ku darayaa in jaceylka intiisa badan uu ka imaanayo xaga hooyada taaso ay ku macneyeen iney ka jaceyl badan tahay cunugeeda sababtoo ah waa cad jirkeeda laga soo jaray.

Waxaa sidoo kale jira jaceyl dhex mara dad aan qaraabo aheyn tusale ahaan gabdho saxibo ah ama wilal saxibo ah ama laba jinsi oo kala duwan sida wiil iyo gabadh oo kale hadaba jaceylkaan asaga ah marna magaadhi karo halka uu gaadhsanyahay jaceyla waalidka iyo cunigisa dhexmara qaas ahaan kan hooyada iyo cunugeeda dhex mara.

Jaceylkaan waxa uu leeyahay xiliyo uu bilawdo iyo sidoo kale xili uu dhamaado halka kii hore uusan dhamaad laheyn.
Hadii aan ka faaloodo jaceylkaan dhex mara labada jinsi ee kala duwan sida wiil iyo gabadh waxa uu salka ku hayaa dareen rabitaan oo labadooda ama midkood ku jira taas oo aadmigu sina uga maarmin.

Waxaa jira qaabab fara badan oo uu ku bilaaban karo xiriirkaa jaceyl waxaana ka mid ah:-
Aragti – hadaba xirirka ku bilowda aragtida kobad isla markiiba lama dhihi karo waa jaceyl ee waxa uu qaadanayaa magaca ka helid oo waxa la oran karaa aragtideeda ama aragtidiisa ayaan ka helay mar xalada aragtida oo soo laalabadataba waxa ay keentaa dacam, damacaas oo isku badala cashaq.

Hadaba akhriste halkaan ayad waxa aad ka ogaan kartaa in uu caashaqu yahay marxalad ka mida marxalada loo sii maro jaceylka.
Ruxa caashaqu samayeeyay waxa uu ka duwan yahay ruuxa wali ku jira marxalada ka helitaanka waxa uuna kaga dhawyahay dhanka jaceylka waxaana la oran karaa caashaqu waa ka saameyn iyo xamaasad badan yahay ka helitaanka.

Hadaba waxaa meeshaan ka baxeysa caado inta badan ay isticmaalaan dhalinta soomaaliyeed qeybo badan oo ka mid ah markii ay rabaan iney jaceyl beena abuuraan ama ay qalbi qofeed dhaawacaan wiil iyo gabadh kow doonaba ha ahaadeene, taasoo ah waan ku arkay waana ku caashaqay xaqiiqdii oraahdaas wax badan ayey dhagaha dhalinta ku soo laalaabatay mana dhici karto wax layiraah ku arkay oo ku caashay waxaa meeshaa ka muuqata in loo baahan yahay iney soo marto marxalado kala duwan.
Hadii uu ruux kugu yiraahdo waan ku arkay waana ku jeclahay labo arin midkood unbey tahay waa mide in ruuxa jaceylka iyo damaca iskaga darsan yahay ama inuu ruux khaa’ina uu yahay oo doonaya inuu qalbigaada xado.

Maqal:- waxa kale uu ku bilaaban karaa xiriirka jaceylka maqal hadaba marka aan maqal leenahay waxa soo hoos galaya dhor qeybood sida inaad qofka codkiisa iyo afkaarihiisa aad maqasho oo adigoo aan arkin aad si toos ah aad kala sheekeysato aaladaha lagu wada xidhiidho, ama inaad qofka lagaaga sheekeeyo oo aad mar walba aad maqasho amaantiisa iyo wanaagiisa iyo dad ahaanimadiisa jaceylka qaabkaan ku yimada waxa ka baaxad weyn jaceylkii hore oo aan ku soo sheegnay inuu ku bilaawdo aragtida.
Sidoo kale jaceylka nuucaan ahi ma soo maro marxalada caashaq ee waxa uu qofka uu soo wajahay si toosa uga helaa codka qofka uu jaceylka u qaaday ama wanaagiisa iyo afkaartiisa dabadeedna sidaa ayuu ku jeclaadaa.

Hadaba erayga caashaqa waa eray aad u qiira weyn kuna saleysan waxa ay indhuhu inta badan arkaan, waxaad caashaqi kartaa waxa aad aragtay lakiin ma caashaqi kartid wax lagaaga sheekeeyay ama aad ma qashay taasi oo ay dalil u ah in caashaqa iyo dooqu isku xiran yihiin.

Inta badan dadka mucaashiqiinta ahi waa dad aad u qurux jecel lana jaan qaada dooqa aragtida indhaha waxaana si rasmi ah kaga duwanyihiin dadka wax jecel sababtoo ah ruuxa wax jecel qiyaar uma lahan inuu wax kala xusho oo waxa si rami ah uga tan badan jaceylka dhaasaday ee la saratagay.
Dadka mucaashiqiintaa waxaa inta badan lagu gartaa waa dad aad u xariir badan oo waxa aad arkeysaa bishii iney sameeyan ugu yaraan ilaa shan xariir oo kala duwan taasi oo ay sabab u tahay hadaba inuu caashaqo rux kasta oo la qurux iyo dooq wanaag sanaado ileyn waa ruux ku xidhan dareenka indhaha oo kaliya e.
halka qofka jaceylka la dariskaa uu noloshiisa inta badan donayo inuu la qaato ruuxa uu jecel yahay oo kaliya ilen waxaa la xiriiira dareen galbiga ka yimide.

Ugu danbeyntii waxaan maqaalkaan ku soo afmeerayaa farqiga u dhaxeeya caashaq iyo jaceyl.
1- jaceylku waa qani caashaq ka qaaweyn
2- jaceylka waa dareen ka yimaada qalbiga
3- jaceylka waxa uu qaataa mudo aad u dheer
4- jacelku waa rajo qof kaliya ku xidhan
lakiin cashaqu intaaba waa uu kaga duwanyahay jaceylka
1- caashaqu waa damac dooqa dabayaal
2- waa dareen ka dhasha in dhaha iyo aragtida
3- wax waqti sidaa u dheer ma qaato
4- kuma xidhna nolol qura ee waa uu wajiya badan yahay