Sida caadiga ah ama ay taariikhdu qortay dhibaato waa wax maalinkasta
dhaca wiil yar ayaa dharbaaxa wiil kale oo ay dhanka guga isku garab
dhacaan, dabeedna midka kawayn ama abahiis ayaa shan ulood ku dhufta
waxyar intaan lajooginba hormo dhalinyaro ah oo dabley ah ayaa horey u
booda oo horseeda dhibaato iyo caana daata .
taas waxaa aad caan ugu ah bulsha waynta soomaaliyeed oo dhanka raad
raaca abtirsiinya ahaan dhanka hiilka iyo kajawaabida gardarada aad
ugu dheereeya. hadaba arintaas waxaa hogaanka u haya laba qodob oo
kala ah:
1:Kala duwanaansho caadi ah ama khilaaf dhalan kara xili kasta,
arintaan badanaa waxay salka ku haysaa aaminsanaan ama fikir loo
noqdo. waxyaabaha layiraahdo sida;diimaha, dhaqanka, fikir aabayaal
iyo hooyooyin laga dhaxlay. Tusaale ahaan qolo aamin san diinta
gaaladaiyo kuwa aaminsan mida islaamka. hadaba hadii ay dhacdo in
labadaas qolo meel kuwada noolaadaan waxaa dhici karta khilaaf
laxiriira dhanka diinta.
2:Baabah iyo boqol. Ama nidaamka layiraahdo in uu qof wax helo qofna
waayo taas oo keenta khilaaf, dagaal, muran iyo iswaydiinta waxa noole
siiyay boqol midna qadiyay waxaa tusaale inoogu filan wadan haysta
badwayn, wabiyaal iyo ilaha wax soo saarka oo hodan ah; wadana waa
buuralay ,banan iyo sacma leefto aan neef doon ahi waxba ka goosan.
marka hadii ay labadaan dowladood ama labadaan qolo daris yahiin waxaa
imaanaysa saluug iyo daan daansi kaas oo guul iyo guul daraba horseedi
karta, waana meesha ay soomalidu ka dhahdo (kuqabso ku qadimayside).
taas oo ku baxday in dhul lagu habsado iyadoo qofka ku habsanaaya ama
qabsanaya uu dan yare yahay aan xishoonayn kan looga habsadayna yahay
mid ka awood badan dhanka maalka oo is leh iska daa dhibaatada iyo
kulaylkaoo iska sii dhulka.
Dowrkaagu maxuu yahay?
Hayaraato , hawaynaato,noockastaba hala ekaatee markii ay dhibaato
dhacdo waa in aad raadisid xal Oo aadan quusan, arintaana ka soomaali
ahaan intaan arkay waynu ku liidanaa; tusaale ahaan dalka jabaan waa
dal jasiirad ku yaala mana lahan kheyraad fara badan bado iyo biyo
galeeno goo ga'an ay ku teedsanyihiin gabi ahaantiisba hadana
dhibaatadaani waxay bartayin ay reer jabaan keenaan badal ah in ay
adeegsadaan kana faa iidaystaan awooda noolaha caqliga leh ama
utilization of human resource, Oo u horseeday in ay ka mid noqdaan
hormuudka dunida maanta.
marka keen badal ha quusane!
Cilmi ahaan sidee u xalinaa dhibaatada?
1:Ugu horeyn si qoto dheer u lafa gurisna waydii sababta keentay dhibaatada.
2:waxbaa kuu baxaye waxaad is waydiisaa intaadan go'aan qaadan
majirtaa wado kale oo ka fiican?
3:gorfayn iyo gunaadad dheer taladuhaku gobo tiraahdo mid kamid ah.
4:sidaa haku dayne qiimayn iyo kormeer ku samee adoo kaduulaya
dhibaatada kadhalankarta .
5:dooro markaas mid kamid ah adigoo ay kuu cadahay wax walba oo
kadhalan kara; tusaale: hadii ay laba ciidan is hor fadhiyaan waa in
aad taqaanid colka kaa soo horjeedaiyo ciidanka uu haysto
tiradooda,hubkooda,iyo heerka tababar, intay kuujiraan iyo
hogaankooda.
6:fuli adoo kaashanaya waxaad horey usoo qorshaysay,awoodaada,iyo
rabitaanka cidaad hugaan u tahay gaar ahaan iyo guud ahaanba.
7:waxaad tunka u ridataa masuuliyada kadhalankarta hana dhihin sidaan
manan moodeyn iyo waxbaa si iga noqday ee noqo mid aan talaabadiisa
iyo hadalkiisu is khilaafin.
Ugu danbayn nuxurku waxuu yahay dhibaato waa wax dhicikara heerkasta
hala ekaatee, marka waxaad ku daawaysaa adigoo yaqaan sababta keentay,
wadadaad u mari lahayd xalka iyo kudhaqaaqistiisa laakiin halka shardi
waxuu yahay in meel xun lagatago meel fiicana la aado.
Qore:asad farah deeq(heelo)
Deegaanka:Khartoum –sudan.
Ciwaanka:qaransuge01@hotmail.com