Gefka waa sifo aadanaha la soo taalay oo aan marnaba ka harin ,
soomaalidu waxaay tiraahdaa: " ma gefe waa Ilaah" waana arin sax ah oo
aan u baahnayn in la macneeyo.
Tan u baahan in la caddeeyaa waa:
Sidee gefka looga dhigaa mid laga faaiidaysto oo dheef looga dhaliyaa?
Hadii qalad dhaco ma waxa ay tahay in la saxo, mise in looga daro?
Qofka qaldama ma uu rabnaa inuu qaladka sii wado ama lala wado; mase
waxaa fiican in qalad dabadii uu noqdo mid wax hagaajiya oo qaladkiisa
iyo kan dadka kaleba saxa.
Soomaalida dhaqankeeda oo aan u arko mid hodon ah una baahan daraasad
qoto dheer oo aqoonyahano cilmiga bulshada ku xeeldheeri ay sameeyaan
ayaa arimahaas si fiican looga helayaa:
Bal maahmaaha xagooda ila eeg waxa ay ka yiraahdaan:
Qalad qalad laguma saxo.
Caana daatay dabadoodaa la qabtaa.
Beladu haday yar tahay waa la baabi'iyaa, haday badan tahayna waa la yareeyaa.
Hadaba bulshada soomaaliyeed oo dhibaato wejiya badan lihi haysto ayaa
in badan waxa laga hadlaa sidee xal loogu helaa; waxaana hubaal ah in
dadaal wejiyo badan leh uu socday intii ay dhibaatada jirtay, ha
ahaado mid gudaha ka socday iyo mid dibada ka socday; wax badana waa
lagu guulaystay wax badanina waa dhiman yihiin;
Waxaan aad ugu kuur galay qaybaha kala duwan ee ku hawlan is bedelka
nololeed, wacyi iyo aqooneed ee wadanka ka jira waxaadna akhristow
ogaanaysaa baaxada dadaalkaasu le'eg yahay markaad u fiirsatid;
goobaha kala duwan ee wax barshada sida:jaamacadaha, dugsiyada wax
barshada, macaahidda xirfadaha, masaajiddada iwm
Sidoo kale ilaha warbaahinta sida : idaacadaha,
telefishinada,wargaysyada website-yada iwm,
Waxa aad u badan maktabadaha oo laga helo buugaag qaybaha kala
gedisan ee aqoonta ka hadlaya oo ku soo badanaya magaalooyinka.
Xaga dhaqanka waxa jira hab dhaqan wanaagsan oo dhinacyo kala gedisan
leh sida isimada oo bulshada dhexdeeda ku leh maamuus iyo sharaf aadna
loo tixgeliyo;Nabadoonada samadoonada oo xeer beegtida ugu horeeya una
taagan habeen iyo maalin hawl aanay badanaa dhib maahee dheef ka helin
sidii nabada iyo wada noolaanshaha dadka uu u hagaagi lahaa.
Culumada oo kaalin wayn kaga jira wacyigelinta iyo hanuuninta bulshada.
Intaas iyo in ka badan oo aanan sheegin oo jirta ayaa hadana waxa
muuqda dhibaato bulsho oo baahsan iyo qaladaad badan oo la caadaystay
lidna ku ah horumarinta iyo hagaajinta nolosha dadka.
Hadaba qormadan oo hor dhac u ah qormooyin xiriira oo aan
todobaadyada soo socda soo gudbin doono haduu ilaah yiraahdo ayaa ah
mid saxid iyo daawayn loola go' leeyahay una furan qof kasta oo arka
dhibaato jirta iyo sida ay la tahay daawadeedu.
Qore :
Maxamed Muuse Axmed
maamuus@hotmail.com