Aqoonyahan Axmed Yuusuf Muuse oo soo gaarsiiyay shabakada Baargaal.net arjiuu uga Codsanaayo Issimada Deegaanka oo uu ugu Horeeyo Beeldaajaha Calbari Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin in ay u soo xulaan Booskaasi
Musharaxa ayaa warqadaas ku soo bandhigay aqoontiisa iyo shaqooyinkii uu horay usoo qabtay asagoo tusaale u soo qaatay waxqabadkiisii Wasaaradda Waxbarashada
Aqoonyahan axmed yuusuf oo ka qanajabiyay kulliyadii waxbarashada Lafoole 1986 , ayaa soo qaatay tababarkii macalimiinta Xalane 1977 kadibna wuxuu shaqo ka bilaabay Dugsiga Hoose Dhexe ee Maxamed Jaamac Kismaayo asagoo markaasi kadib noqday maamulihii dugsiga Hoose Dhexe ee Yoonte kismaayo
Dr. axmed Wuxuu intii ka danbeeysay Burburkii Dawladii dhexe ee Soomaaliya u soo wareegay Degmada Baargaal Halkaas oo uu dawr wayn ka qaatay aasaaskii Dugsiga Hoose Dhexe ee Degmada Baargaal
maadaama sanadkan loo baahan yahay xildhibaano cusub oo isbadal Doon ah , ayaa waxaa la dhihi karaa diktoorka ayaa kamid ah aqoonyahanada aadka ugu firfircoon horumarinta arimaha bulshada sida Caafimaadka,waxbarashada iyo is dhexgalka Bulshada ,asagoo la saadaalinayo inuu wax weyn ka bedeli-karo hadii uu ka mid noqdo Xildhibaanadda cusub ee barlamaanka Puntland.
Shabakada baargaal.net
Isha wararka Horumarka Deegaanada Calbari