Waxaa soo baxaya in qaar ka mid ah bulshada gobolka Bari ay dhaliilsan yihiin habka loo maamulayo soo xulitaanka xildhibaanada cusub ee la doonayo in lagu badalo kuwa hada shaqeeya ee Puntland si ay madaxweyne
cusub u soo doortaan.
Ururka Haweenka Gobolka bari ayaa war ay siiyeen saxaafada waxaa ay ku dhaliileen odayaasha ama isimada puntland ee u xilsaaran soo xulitaanka xildhibaanada Puntland.
axubno ka tirsan
haweenkaasi oo saxaafada qaar la hadlay ayaa sheegay in qaab
qaraabeysi ah lagu xulayo xildhibaanada cusub marka la eego odayaasha
wax soo xulaya.
"odayaasha waxaan leenahay yaan la hilmaamin haweenka hana laga daayo
xulitaanka qaraabeysiga"ayay tiri Xaliimo Horgoble oo madax ka ah
ururka haweenka Gobolka Bari
Warka haweenka puntland qaarkood ayaa ku soo aadaya xili lagu jiro soo xulitaanka xildhibaanada cusub ee Puntland iyo ayadoo cabashooyin kale
ka soo yeeraayaan qaybaha kale ee bulshada gobolka bari.
BAARGAAL.NET
isha wararka horumarka deegaanada calbari