Marwo Muxubo Cismaan Guuleed oo liiska Musharaxiinta Baargaal ee Xilibaanada Puntland ku soo biirtay
Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay 15/10/13 kaga dhawaaqday magaalada London ee cariga ingriiska inay tahay murashaxad u taagan xildhibaanimada Degmada Baargaal ee Gobolka Gardfuul ee maamul goboleedka Puntland Murwo Muxubo Cismaan Guleed .
Munaasabad ay u qabatay arintaas oo ay ka soo qayb galeen qaybaha kala duwan ee jaaliyadda puntland UK ayay ku soo bandhigtay Marwo Muxubo Cismaan Guuleed barnaamajkeeda musharaxnimo
Murwo Marwo Muxubo Cismaan oo xilal kala duwan ka soo qabatay dowladdii hore ee somaliaya ahna ganacsato ayaa kamid ah xubnaha ugu firfircoon jaaliyadda Puntland ee UK.
xubnihii ka soo qaybgalay ee jaaliyadda Puntland ee Uk ayaa aad ugu riyaaqay barnamajka musharaxnimo ee Marwo Muxubo Cismaan Ayna ku taagerrayaan xilkaas culus ee u istaagtay Ilaahna ugu baryayaa inuu u fududeeyyo haddaay ku guulaysato.
Mar wax laga waydiiyay barnaamajkeeda waxqabad waxay ku jawabtay Marwo Muxubo Cismaan
Qorshahayga waxaa ka mid ah:
Inaan ku shaqeeyo mutadawacnimo oo aan musharkayga ugu deeeqo horumarka Degmada Baargaal iyo degaanada ku xeeran
inaan dhisayo xarun lagu xanaaneeyo agoonto
Inaan wax ka qabato dhinaca biyaha. mar horena anigoo kaashanaya hayda khayriga ah ee maama caasha foundation degaanka waxaan ka hirgaliyay ceelal biyood.
inaan daryeelayo hooyooyinka iyo dhalaaanka iyo dadka danyarta ah
Inaan baargaal ka furanayo xafiis ka shaqeeya danaha dadka aan xildhibaanka u ahay ee anan Garowe fadhiyeen mar kasta.
Degaanka hadda waxaa looga yaqaan Puntland gaariwaa waxaan ku dadalaayaa inaan arintaas wax ka qabto
waxaan ka qayb qaadanayaa guud ahaan horumarinta gobolka Gardafuul.
madaama degaanku ka dheer yahay adeegyada cafimaadka waxaan ka hirgelin doonto xarumo caafimaad waxaana ku daadalayaa in degaanku helo Ambulance.
waxaan dhiirigelinayaa in qurbajoogta iyo ganacsatadu maalgashadaan degaanka, waxaana u noqonayaa horseed. inaan dhiirigeliyo ka faaidaysiga iyo la soo bixidda khayraadka dalka sida kalluunka iyo beeraha
Waxaan ka codsanayaa dadwaynahaa ka soo jeedaa degaankaas inay Igu taageeraan sidaan ugu guulaysan lahaa xilkaas.
shabakada Baargaal.net