waxaa mantay dugsiga Hoose Dhexe sare ee Degmada Baargaal ka bilowday
imtixaankii Teeramkii koowaad ee Sanad dugsiyeedka 2013 /2014 ,
imtixaankaas oo ay u fariisteen in kabadan 350 arday.
Maamulaha Dugsiga Hoose Dhexe sare ee Baargaal Mudane Shaafici Yuusuf Cismaan ayaa sheegay in imtixaanaadka maanta u bilowdeen dhamaan ardayda Iskoolka hoose dhexe sare ee Baargaal ee sanad dugsiyeedkan, islamarkaana ay ka maamul ahaan si aad ah ugu diyaar garoobeen.
"Maanta waxaa inoo bilowday imtixaankii teeramka koowaad oo ay u fariisteen dhammaan Ardayda dhigata Dugsiga Hoose Dhexe sare ee
Degmada Baargaal ," ayuu yiri maamulaha iskuulka Ustaad Shaafici Yuusuf cismaan
waxaa kaloo khudbad dhiirigalin ah ka jeediyay daabuurka intaan lagalin fasalada imtixanka shiikh Bootaan Muuse oo ah gudoomiyaha gudiga waxbarashada Degmada , asagoo ardayda ku booriyay ahamiyada
waxbarashda iyo inay tahay furaha horumar kasta oo ay Bulsho gaarto
Sanad dugsiyeedkan ayaa laga dareemaayaa iskuulka degmada Baargaal horumar wayn oo dhinac kasta ah ayado sanadka lagu soo kordhiyay macalimiin badan oo khibrad dheer u leh waxbarashada
dhamaan iskoolada Degaanada Puntland ayaa u fariistay Imtixaanka teeramka koowaad ee sanad Dugsiyeedka 2013-2014, iyadoo sanadka la soo
horumariyay imtixaanadka , maadaama ay ka dhacayso degaanada
puntland doorashadii madaxtinimada oo loo balansanyahay 8 janaayo 2014
Shabakada Baargaal.net
Isha wararka Horumarka Deegaanada Calbari