Kulan ay goob joog ka ahaayeen Isimada soo jireenka ah ee Puntland uuna Shir gudoominayay Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa maanta wuxuu ka
furmay Magaalada Garowe.
arimaha horyaal shirka ayaa waxaa ugu muhiimsan Doorashada Puntland iyo doorka ay Isimadu ku leeyihiin iyo sidii loo abaabulilahaa in
dhamaan Isimadii wada aasaasey Puntland ay ugasoo qayb gali lahayeen Doorashada.
Waxaa lagu wadaa in kulanka isimada uu sii socdo maalmaha fooda nagu soo haya, isla markaasna ay soo magacaaban guddi marjac u noqda
guddiga khilaafka, waxaana baryahaanba la hadal hayay kulankan Isimada,waxuuna noqonayaa kulankii ugu balaarnaa ee ay yeeshaan isimada rasmiga ah ee Puntland.
Isimadii goobta fadhiday waxaa kamid ahaa Islaan Bashiir Islaan
Cabdulle, Suldaan Maxamed Ahmed Burtinle,Boqor Burhaan, Suldaan Siciid
Cabdi Salaan iyo isimo kale oo caan ah
Baargaal.net
isha wararka horumarka calbari