Marka ugu horaysa waxaan murwo muxubo cismaan guuleed ugu Hambalyaynaynaa hawsha doorashada ay kasoo qayb gashay iyo sida wayn oo ay kalsoonida iyo qadarinta uga heshay dhamaan bulshawaynta ku dhaqan deegaanada calbari iyo ummada puntland.
Tan iyo maalintii ay murwo muxubo ku soo biirtay liiska murashaxiinta xubinta barlamaanka Degmada Baargaal, waxa deegaanka ka bilaabmay
habdhaqan iyo cimilo cusub oo ku timi waxgaradka iyo cuqaasha
deegaanka.
Waxaana bulshada marinhabaw ku riday doorkii iyo kaalintii looga
bartay odayaasha, Waxaana la arki waayay, lamaqli waayay dhaqdhaqaaqoodii looga bartay bulshada dhexdeeda.
Isbadakaas ku yimi doorkii nabadoonada iyo waxgardkii deegaanka ayaa saamayn wayn ku yeeshay bulshada deegaanka oo si ay wax u sheegaan garan la, dhan ay wax ka jeedaan ama u jeedaan fahmila,si ay wax u sahamiyaan ama u saadaaliyaan ay adagtahay maadaama ugu danbaynta saxiixyada afar oday dhaqameed shukaanta dhinaca kale u rogi karaan.
Hadaba inkasta oo is badalkaasi jiro , iyo wararka sheegaaya in
xubintii barlamaanka mar hore loo saxiixay mudane saalaad xareed cali
laakiin shacabka reer Baargaal waxa uu u muuqdaaa mid ilaashanaya oo wax kasta ka horaysiinaya doorashadiisa uu ugu doortay murwo muxubo
cismaan guuleed inay u matasho golaha wakiilada puntland, cidii ku xadgudubtana ay meel ka dhac ula timi,