Ninkii Qurbaawi ayaa markuu waabkii soo istaagay hadalka bilaabaya oo odhana ya:
"Meeshan sidee baad ugu nooshihiin, waa meel ay dadkii dhisan waayeen, bal eeg siday u burbursan yihiin waddooyinkani. Weligay meel sidaa waddooyinkeedu u xun yihiin kumaan arag caalamka intaan marayay."
Islaantii meesha shaaha ku iibinaysay ee Qaleeya ayaa u jawaabaysa oo odhana ysa:
"Hooyo waan ku arkaayoo nin dibadda ka yimid baad u eegtehee, miyaanad hoo yo la socon wixii waddankan ku dhacay. Beri baa waxa la yidhi markii ay diyaara dahii dawladdii Siyaad Barre dadka Hargeysa ku rushaynayeen ayaa oday iyo is laantiisa iyaga oo jooga Geed Deebleh, ay halkaa diyaaraddii ka soo baxday maa lin ka mida maalmihii rusheyska.
Odaygii ayaa islaantii ka cararay intuu aad u naxay markay naftii qabatay. Ka dib markii ay dayuuradihii dhaafeen ayaa islaantiisii odhanaysaa "Bal odaygan fulay ga ah eega, raggii hore ma iyagaa carari jiray".
Odaygii baa intuu deg-deg u soo booday dhakhso ugu jawaabaya islaantiisa oo o dhanaya "Ee orodoo naga tag, raggii hore ma samadaa lagaga iman jiray" Islaant ii Qaleeya oo tusaalahaa u soo qaadatay oo ku leh ninkii Qurbaawi; dhulkan Soma liland samada ayaa lagaga yimi oo ha barbar dhigin waddamadaa aad soo aragt ay ee aanay iyaga cidi rusheeynin.
Ninkii Qurbaawi baa dhinacna ugu qushuucay tusaalahan qosolka iyo xikmada wa ta ee ay islaantu u dhiibtay, dhinacna ka yara xishoodsan oo isagoo is dhaafna ka muuqdo ku leexinaya arrintii Siyaasiyiinta waddanka oo odhanaya:
"Hooyo waan ku fahmee, laakiin waddankan siyaasiyiin ayaa ku ciyaaraya oo aan dadkii waxba u qabanaynin", halkaa waxa doodii la wareegaya ninkii meesha fadh iyay ee "Qowdhan" oo hadalkii qaadanaya oo odhanya: "Horta qolooyinkiinan qu rbaha nagaga yimaaddaa ereygan siyaasad qalad ayaad ka fahamteen oo dhinac kale ayaabad u qaaddeen". Ninkii Qowdhan oo hadalkiisii sii wata ayaa odhanaya:
"Beri baa nin reer miyi ah lagu yidhi bal waxaad sharaxdaa erayga "Siyaasad" mic nahiisa? Ninkii reer miyiga ahaa ayaa intuu dhinacyada eegay odhanaya isag oo sharaxaya erayga siyaasad; " Erayga Siyaasad waa marka konton nin oo isku re era oo meel ku shiraysa adigoo shirka kula jira uu midi kabahaagii gashado mar ka shirka laga soo baxo, sidii aad u garan lahayd kii kabahaaga gashaday baa la yidhaa "Siyaasad". Sidaasuu ninkii reer miyigaa ahaa u sharaxay siyaasad.
Hadalkisii isagoo sii wata ninkii Qowdhan wuxuu odhanayaa:
"Markaa ninkaagan dibadda ka yimidoow dareenkaagu ma xuma laakiin halkaa ay diiraddu kaa qabsatay maaha xaalku, wax aad siyaasad moodaysid ayaan siyaasad ahayn. Ma ogtahay in Dhulkii uu idinka uun idin sugayo oo aan cid kale u maqnayn, haddaba malaha war baa kaa maqane bal aan kuu sheego waxoogaa Maanso ah oo la yidhaahdo "Qiirada Qurbo-Joogga" oo aan anigu maalin dhexda as ah Qurbo-Joogga adiga oo kale ah kula hadlayay.
Waxaanu yidhi;
Hadday qiiro ku hayso
Dalka qiimo u hayso Quluubtaadu la hayso Qalbigaagu la haysto Qurbo-joog waan ku rabnaa.
******
Qanacaa deg-degee Dadkii quus ka dhigaaya Qoonsimaadka abuuray Qiyaastii laga yaabay Adoo quudhsi ka reebay Qunyar sheeg danta guud.
******
Qarankan waddankeenna Qaadhaankaa dibaddaa Qatanaanta ka saara, Qaaddirkeen ku ilaali Qalbigaa ummaddeenna Quluubteeda hagaagsan Qolofteeda midaysan Quwad weeye sarraysa.
******
Qoraalkii xusuustii Qawlaysatadi baas Qudhunkii berigii Qiilkii dabar-goynta Qoladii hor-istaagtay Qurbo-joog qayb ka ahaa Dadkuna weydiin qirayaa.
******
Qiyaamaha xasuustiisa Qaaddirkeen Allaheen Quraankeena nimcaysan Qoraalkiisa hanuunsan Qunyar baa lagu sheegay Gacantoo lays qabtaa Qudh-bax lays tusaa Qadarin laysku qiraa Quus laga reebo dalka hooyo, Waa mid diintu qiraysoo Qaaddirkeena u qushuucay.
******
Qayrkiin Afrikaan Qiyaastii arligooda Qurus-doonka shacbigooda Qarqiyoo kor u qaad Qurbahay ka kaceen Quudkay u kaceen Gaajoy ka qabteen Muruq bay qotonsheen Maskax bay ku qabteen.
******
Qurbo-joog xisaabteenna Qiraynaa samahaaga Inaad qayb ka ahaato Siyaasadda qarankeenna Qorashaha ummaddeenna Qaabka waddankeenna Qayb weeye ku sugaysa.
******
Qof kale inaad eegto Qaranka aad ku hallaysid Qiyaastii ma filaayo Dadkuna way la qabaa.
******
Qorsheeyoo is-diyaarshoo Qac ku siiya indhaayoo Qawlkiinna adkeeyoo Qiimeeya baahida, Qaabbila danyaroo Qaylo dhaan ugu baxoo Qudh-bax weeye dadweynoo Qiil dambaan jireynoo Waa sidaa Qurbo-joog Qarankaydin sugaayee.
******
Eesh Qiyaasak Qurbo Joog, Qaran kaydin sugaayee!. |