Qaramada Midoobe, ayaa waxay Dowladda Soomaaliya ugu baaqday in la
baaro kuwii ka dambeeyay dilka Xildhibaan Maxamed Warsame Maxamed, oo
loo yaqaano Faysal.
Ergaga Qaramada Midoobe u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Nicholas Kay, ayaa wuxuu marka hore uu si kulul uu u cambaareeyay dilka Xildhibaan Maxamed Warsame Maxamed.
Ergaga, ayaa wuxuu sheegay in Dowladda Soomaaliya looga baahan yahay ilaalinta Xildhibaanada Baarlamaanka iyo in Cadaalada lahor keeno,
kuwa waxyeeleynaaya Xildhibaanada Baarlamaanka.
Wuxuu sheegay in Soomaalida ay xilligan u baahan tahay mustaqbal
wanaagsan, taasoo ay door muhiim ah ka cayaarayaan xildhibaannada
baarlamaanka Soomaaliya.
Danjire Nicholas Kay, ayaa tacsi u diray qoyskii, eheladii, asxaabtii
iyo Baarlamaanka Somaliya, oo uu ka baxay Xildhibaanka.
BAARGAAL.NET