Ciidamada Booliiska Magaalada Bosaaso ayaa xabsiga dhigay tira kale
hor leh oo lagu soo qab qabtay Howlgalo xalay laga fuliyay Xaafadaha
Magaalada Bosaaso Xarunta Gobalka Bari.
Tira dhalinyaro ah
ayaa xabsiga la dhigay sida uu sheegay Taliyaha Booliiska Gobalka Bari waxa uuna sheegay in dadkaan la xiray lala xariiriyay Alshabaab in gacan saar la leeyahiin.
Howlgalo ay ka qayb qadanayaan Ciidamada gaarka ah ee PIS ta ayaa ka
soconaya Xaafadaha Magaalada Bosaaso waxa uuna qayb ka yahay Howgalo
dhawanahaan ka socday Magaalada Bosasaao.
Maamulka Puntland ayaa maalinti shalay soo bandhigay hub iskugu jira
walxaha Qaraxa kaa oo lagu soo qab qabtay howlgalo Ciidamada amaanka Puntland fuliyeen.
Puntland ayaa dagaal kula jirto kooxa daacad u ah Ururka Xagjirka ah ee Alshabaab kuwaas oo ka dagaalamaya Buurlayda Galgala ee Gobalka Bari.
Baargaal.net
isha wararka horumarka calbari