Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas
Kay ayaa sheegey inuu aad uga xunyahay in Xildhibaanada cusub ee
Puntland ay ku jiraan laba dumara oo qura.
Amb. Nicholas Kay ayaa bartiisa twitter-ka ku sheegay inuu ka xun
yahay in 2 kaliya oo dumar ah ka mid noqdaan barlamaanka Puntland,wuxuuna yiri
"Disappointing that Puntland´s 66 new MPs include apparently only 2
Women, UN in Somalia strongly supports women´s political particpation"
Nicholas Kay horey ayuu Isimada Puntland ula dardaarmey isagoo yiri "Waa in la xasuustaa doorka haweenka,",
wuxuuna ku dadaalay in Xildhibaanada cusub ee Puntland ay Haweenku ka
helaan ugu yaran lix xildhibaan
BAARGAAL.NET
BAARGAL-SOMALIA