(Baargaal.net) Ilaa 4 xildhibaan ayaaa isu soo taagay xilka
gudoomiyaha golaha wakiillada Puntland, iyadoo doorashada gudoomiyaha iyo ku xigeenkiisa la qabanayo berri oo ku began 4/1/2014.
Xubnaha ilaa hadda la shaaciyey iney u tartamayaan xilka gudoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland waxey kala yihiin:
1-Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xirsi
2-Xildhibaan Siciid Xasan Shire
3-Xildhibaan Axmed Cali Xaaji iyo
4-Xildhibaan Cabdixakiim Dhooba-daareed.
Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xirsi ayaa ah guddoomiyihii hore ee
baarlamaanka Puntland waxaana xilkaas loo doortay sanadkii 2008,
wuxuuna baarlamaanka kasoo galay gobolka Mudug.
Xildhibaan Siciid Xasan Shire, wuxuu horay u nqoday wasiirka
xannaanada xoolaha Puntland, wuxuuna kamid yahay xildhibaanada baarlamaanka kasoo galay gobollada Sanaag.
Xildhibaan Axmed Cali Xaaji, wuxuu horay uga tirsanaa baarlamaankii uu
waqtigiisu dhammaaday, isagoo qayb ka ah 21 xildhibaan oo dib mar kale baarlamaanka cusub, wuxuuna baarlamaanka kasoo galay gobolka Sanaag.
Xildhibaan Cabdixakiim Dhooba-daareed, wuxuu isna ka mid ahaa baarlamaaankii hore, wuxuuna baarlamaanka kasoo galay gobolka Sanaag.
Waxaa dhanka kale jira xildhibaano u tartami doonaa xilka guddoomiye
ku-xigeenka golaha wakiillada ee maamulka Puntland, waxaana
xildhibaanadaas oo dhammaantood kasoo jeeda gobollada Bari iyo
Gardafuu kamid ah:
1-Xildhibaan C/risaaq Siciid Aadan oo baarlamaanka kasoo galay gobolka Bari.
2-Xildhibaan C/xamiid Sheekh C/salaam oo baarlamaanka kasoo galay gobolka Bari.
3-Xildhibaan Salaad Xareed Cali oo baarlamaanka kasoo galay gobolka Gardafuul.
BAARGAAL.NET
PUNTLAND ELECTION 2014