Baarlamaanka Maamul Goboleedka Puntland ayaa maanta cod buuxa ku ansixiyey Golaha Wasiirada ee uu dhawaan soo magacaabay Madaxweynaha
Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.
Fadhiga Baarlamaanka oo xaadir ay ku ahaayeen 55 mudane ayaa si
aqlabiyad leh ku ansixiyeen cod gacantaag ahaa, iyadoo madasha ay
fadhiyeen inta badan Golaha Wasiirada iyo kuxigeenadooda.
Ka hor inta aysan dhicin kalsooni siinta ayaa waxaa khudbad dhinacyo
badan taabaneysay ka jeediyay Madaxweyne Cabdiweli Gaas, taasoo uu ugu hadlayay waxqabadka iyo qorshaha xukuumaddiisa, isagoo ku celceliyay
in xukuumaddiisa ay tiigsan doonto fulinta balanqaadyadii uu galay.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Siciid Xassan Shire, ayaa intaas kadib ku dhawaaqay in codka kalsoonida loo qaado, taasoo u dhacday si wanaagsan, mana jirin cid ka hortimid.
Ugu danbeentii ayaa
Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed ayaa u mahadceliyey xubnaha
Baarlamaanka sida wanaagsan ee ay kalsoonida u siiyeen xukuumadiisa.
BAARGAAL.NET