Waxaa maanta xilalka la wareegay 12-wasiir oo ka mid ah kuwa uu dhowaan soo magacabay madaxwaynaha Puntland Prof.Cabdiwali Maxamed
Cali(Gaas).
Munaasibado kala duwan ayaa wasaaradaha ka dhacay,
ugu horayntii waxaa xilka la wareegay wasiirka cusub ee wasaaradda
maaliyada mudane Shire Xaaji Faarax waxana kasoo qayb galay
munaasibadaasi shaqalaha wasaarada iyo madaxda cusub.
Sidoo kale waxaa maanta xilka la wareegay wasiiradda caafimaadka,arrimaha gudaha.amniga,Shaqada iyo shaqalaha,Deegaanka,Beeraha,Duulista hawada,howlaha guud iyo cadaalada
Dhamaan wasiiradii hore ee xilka wareejiyay ayaa ka war bixiyay
waxyaabaha u qabsoomay tan iyo intii ay xilalka hayeen,waxayna
tilmeeneen inay ku faraxsan yihiin xil wareejinta ay sameeyeen.
Wasiiradda cusuba yaa dhankooda balan qaaday inay ka go'an tahay oofinta balanqaadyada ay sameeyeen.
Waa markii ugu horaysay oo ay wasiiro intaasi leeg ay hal mar xilalka la wareegaan,waxayna tiradda guud ee wasiirada xilka la wareegay ay gaarayaan 11-wasiir.
BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka deegaanada calbari