Maamulka Gobolka Bari ayaa ugu baaqay Shacabka Gobalka ku dhaqan in gacan ka gaystaan sugida amaanka Magaalada Bosaaso Xarunta Gobalka
Bari.
Kulan looga hadlayay amaanka Gobalka ayaa lagu qabtay Xalay Xarunta
Gobalka Magaalada Bosaaso waxaana kulankaa uu ahaa mid sedax geesood ah oo saxaafada aan goob jooga ka ahayn.
Hayeeshee kulan kaa ayaa markii uu soo dhamaaday kadib waxaa Saxaafada la hadlay Gudoomiyaha Gobalka Bari waxa uuna sheegay in kulankaa looga
hadlayay amaanka Gobalka.
Waxa uu xusay in ay jiraan kooxa uu sheegay in ay qorshaynayaan falal
amaan daro kuwaas uu sheegay in ay ku dhuumaalaysanayaan Xaafadaha Magaalada Bosaaso si amaanka Gobolka wax ugu dhimaan.
Gudoomiyaha ayaa ugu danbayntii ka codsaday dadka deegaanka in gacan
laga gaysto ilaalinta amaanka Gobalka Bari si loola dagalamo waxa ugu
yeeray nabad diidayaasha.
BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka deegaanada calbari