Waxaa lagu qabtay magaalada Caabudwaaq Munaasabad ballaaran oo lagu soo xirayay Heshiiskii ay wada gaareen beelaha Wagardhac iyo Celi oo
dhawaan Xurgufi dhex martay.
Kadib Wada hadal socday muddo ka badan hal Asbuuc ayaa waxaa shalay galinkii danbe ay kala saxiixdeen beelahaasi heshiis ka kooban dhowr qodob.
Munasabadaas ayaa waxaa kasoo qayb galay Xubnaha labada gole ee
dowladda oo dhawaanahan ku sugnaa magalada Caabudwaaq, Wasiir ku xigeenka arimaha gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Maxamed Bangax , Wasiir ku xigeenka Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane Axmed Cali SalaadTaako ,Guddoomiyaha degmada Caabudwaaq Mudane Axmed Jaamac Dhirif ayaa ka hor akhriyay labada dhinac iyo dadwayne
farabadan heshiis ka kooban ilaa sagaal qodob oo labada dhinac odayaal
ka socday ay saxiixeen.
Nabadoon C/salaan Barre iyo Nabadoon Caliweli oo iyaguna u hadlayay
beelaha heshiiska gaaray ayaa soo dhaweeyay waxaana ay shegeen sida
lagu gaaray heshiiska inay u fulin doonaa.
Wasiir ku xigeenka arimaha gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Maxamed
Bangax oo isna dhankiisa hadlay ayaa xusay dowladda Soomaliya gaar
ahaan wasaarada arimaha gudaha inay il gaar ah ku fiirin doonto
heshiiska labada beelood.
BAARGAAL.NET
Caabudwaaq- galgaduud
Social Plugin