Dowladda Sudan ayaa joojisay dal-ku-galka ay siin jirtay dadka Soomaalida oo ay ku jiraan ardayda halkaas waxbarashada u aadi jirtay,
sida ay xaqiijisay safaaradda Soomaaliya ee dalkaas.
U qeybsanaha dhaqanka iyo waxbarashada ee safaaradda, Cabdiqaadir
Guulane ayaa sheegay in go'aankan uu ka soo baxay xafiiska dowladda
Sudan u qaabilsan arrimaha ajaaniibta.
Warqadda ayaa lagu sheegay inaanay Soomaalida u hoggaansamin
sameysashada deggenaanshaha dalka iyo koror ku yimid dadka u
tahriibaya Liibiya si ay u gaaraan qaaradda Yurub.
Waxaa warqadda ku xusan inaan Soomaalida la siin karin dal-ku-gal sabab kasta oo ay noqoto.
Warqadda oo ku taariikhaysan bishii January 20-keeda ayaa waxaa ku
saxiixan madaxa waaxda arrimaha ajaaniibta Sudan Gaashaanle Sare Yaasiin Maxamed Xasan, waxaana nuqul ka mid ah la siiyay madaxa waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha Sudan iyo madaxa waaxda socdaalka ee garoonka diyaaradaha Khartoum.
BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka deegaanada Calbari
Nagala soo xiriir: baargaal@gmail.com