القائمة الرئيسية

الصفحات

Sheeko Qosol Badan : Dameerow wallee adiga kuma iibsado

Beri ayaa nin doqon ahaa oo dameer uu ku xamaasho watay ay laba tuug oo ku ogaa doqonnimadu u heshiiyeen sidii ay dameerka uga qaadi lahaayeen.

Mid ka mid ah Labadii tuug ayaa inta uu si sanqar la’aan ah ugu soo dhuuntay ninkii doqonka ahaa oo hogaaminaya dameerkiisii xagga horana eegaya, inta uu hoggaankii ka furay uu isagu qoorta gashaday dameerkiina tuugii kale yiri kaxee. 

Markii uu tuugii qiyaasay in saaxiibkii la tegey dameerkii ayuu mar keliya istaagey diidayna hoggaankii. Markii uu ninkii doqonka ahaa dib u soo eegay waxa uu arkay in waxa uu hoggaaminayaa uu yahay nin.

Ninkii doqonka ahaa oo aad u naxsan ayaa inta uu ku soo noqday ninkii uu hogaaminayey ku yiri, “Waar maxaad ahayd?” Ninki tuugga ahaa ayaa yiri,“Waxa aan ahaa nin hooyadii caasiyi jiray,kadib inkaar hooyaday igaga dhacday ayaa ii beddeshay Dameer, muddo ayaan dameer ahaa, adna adiga oo aan ogeyn in aan ahay nin habaar hooyadii kaga dhacay dameer ka dhigay igu shaqaysanaysay, 

Iminka ayaa ay hooyadey iga raali noqotay, oo ay dib igu ducaysay, waana loo aqbalay oo waa anigaa ku soo noqday bani’aadamnimadii

Ninkii doqonka ahaa inta uu argagaxay ayaa uu hoggaankii ka furay kuna yiri,“Waar, bal orod iska tag” 

kadib isaga oo aad u naxsan ayaa uu u tegey xaaskiisii oo uu uga waramay sheekadan ku dhacday.
Waxa aanu ugu calaacalay in uu aad uga warwarsan yahay sida looga toobbad aqbali doono, maadaama uu waxa ay ku shaqaysanayeen ee muddada dheer ay rarayeen uu aadame ahaa. “Tol’oow, maxaa kaffaara gud inoogu waajibaya” ayaa uu yiri.

Gabadhii oo hoos u ogeyd odaygeeda xaalkiisa, ayaa markiiba dareentay in la khiyaameeyey, iyada oo caraysan ayay ku tiri, “Waar, wax kasta oo aad aragto ama maqasho miyaa aad rumaysanaysaa”

Markii uu ninkii maalmo bilaa camal ahaa ayaa ay xaaskiisii ku tiri, “Orod inoo soo iibi dameer aad ku xoogsato,” Ninkii doqonka ahaa ayaa yimi Sayladdii markaasuu arkay dameerkiisii oo la soo iib geeyay, dameerkiina markii uu arkayba waa uu gartay una ciyey 

inta uu doqonkii u soo dhowaaday dameerkii, oo afka dhegta u saaray, ayuu ku yrii, “Waar ma Caasiniimadii aad hooyadda kula kacday ayaad ku noqotay,wallee adiga kuma iibsado”

BAARGAAL.NET
isha wararka horumarka calbari
email:baargaal@gmail.com