القائمة الرئيسية

الصفحات

PUNTLAND OO DIB U FASAXDAY TELEFISHINKA QARANKA

Dowladda Puntland ayaa ka laabatay go’aan ay maanta ku shaacisay in shaqadii laga joojiyay telefishinka qaranka Soomaaliya (SNTV) xarumaha uu ku leeyahay deegaannada Puntland,sababo la xiriira war si an loo bogin uga baxay.

Wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha dowladda Puntland,Cabdullaahi Xaashi Warsame Qoob-deero oo amarkan isagu soo saaray ayaa sheegay in telefiishanka dowladdu uu warar been abuur ah ka tabiyay Puntland, taasina keentay in muddo kooban shaqada laga joojiyo.

Waxuu sheegay wasiirku in isla maanta uu la kulmey qaar kamid ah wariyeyaasha ka hawlgala gobolka Bari, kuwaasoo ka codsadey dowladda in telefishinka la fasaxo maadaama wariyihii warka direy uu khaladkiisa qaatey raalli gelinna ka bixiyey.

Ugu dambeyn,ma ahan markii ugu horreysey ee Puntland shaqada ka joojiso mid kamid ah telefishinada Soomaalida. 

Horay waxaa muddo kooban Puntland shaqada uga joojisey telefishinada Universal iyo Somali Channel.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka HOrumarka Calbari
email:Baargaal@gmail.com