Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaan Drones-ka ayaa caaway fiidkii ku Beegsaday gaari ay leeyihiin ururka al-Qaida gudaha dekedda Mukalla taasoo ay ka dhalatay dhimashada hal qof iyo dhaawaca laba kale oo dhaawacoodu halis yahay sida ay sheegeen ilo warbaahineed ku sugan goobta
Waxaa cabsi badan laga muujinaaya inay istaagto shaqada dekeda mukulla cabsi amni daro awgeed , oo ay doonyuhu ka cabsadaan inay ku soo xirtaan taas oo haday dhacdo saamayn xun ku yeelan doonta nolosha Dadwaynaha Xadramout oo dekeda Mukulla u tahay halbowle dhaqaale
SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka Calbari
email:baargaal@gmail.com
Goobjoogayaal ayaa sheegay in diyaaradda aan la wadin ay beegsatay gaari ay leeyihiin xubnaha al-Qaeda gudaha dekedda Mukalla, waxayna sheegeen inay arkeen qiiq badan iyo dhawaaqa qarax weyn oo uu sababtay duqayntu.
ilo kale ayaa sheegaya in weerarka la rumaysanyahay in lala beegsaday Dooni siday hub iyo rasaas oo ku xirnayd gabiga Dekeda .
Goob joogayaal ayaa sheegaya inaan deked Mukalla waxyeelo ka soo gaarin weerarka , taas oo siinaysa rajo dadka xadramout dekeddu ay weli awood u leedahay inay ku soo xirtaan maraakiibtu.