Kulankan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland ,waxaana ka qeybgalay Haweenka qeybahooda kala duwan sida Haweenka ganacsatada ah ,haweenka siyaasiyiinta ah,gabdhaha Jaamacadaha iyo guud ahaan haweenka xirfadleyda caafimaadka.
Kulanka oo ka dhacay Hotel Gacayte ee magaaladda Boosaaso ayaa Ujeedkiisu ahaa is xogwaraysi u dhaxeeyey haweenka iyo Wasiirka Haweenka Anisa Xaaji Muumin kaasoo muddooyinkaanba ka socday magaaladda Boosaaso.
Qaar kamid ah haweenka siyaasiyiinta ah oo hadalo kasoo jeediyey kulanka ayaa ka ballan-qaaday iney la shaqeynayaan Wasiirka Haweenka iyo Arrimaha qoyska Puntland,iyagoona ka codsay Wasaarada iney hoos u eegto daruufaha haweenka Puntland.
Ugu danbeytii ,waxaa kulanka soo xirtay Wasiirka Wasaaradda Haweenka Iyo Arrimaha Qoyska Puntland Anisa Cabdulqaadir Xaaji Muumin oo sheegtay iney qirayso haweenka gobolka Bari iney yihiin kuwa u taagan danta shacabka iyo wadaniyada Puntland.
SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka Deegaanada Calbari
Baargaal@gmail.com