Dekada Macmalka ah ee magaalada xaabo waxaa gaaray 2 doonyood oo wada shixnado gargaar ah oo loogu talagay dadkii Puntland ee saamayanta ay ku yeelatay duufaantii haleeshay degmooyin & deegaano ka mid Gobolada Gardafuu & Bari.
Gudoomiyaha Gobolka Gardafuu Cabdulqaadir Yuusuf Maxamed iidi oo ka
hadlay waxyaabihii uu arkay intii ay ku sugnaayeen meelaha duufaantu saamaysay, asagoo ku baaqay in gargaarka
la badayo si deg deg ahna dadka loo gaaro.
Gudoomiyaha Gobolka Gardafuu Cabdulqaadir Iidi waxaa uu sheegay inay soo arkeen dadka oo aan haysan waxay cunaan, isagoona sheegay in
safarkiisa ay ku wehliyaan Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka
Soomaaliya iyo dhaqtar Reer Puntland ah oo si mutadawacnimo ah u
shaqaynaya.
"Meelaha qaar kama helaysid waxaa cuntid xitaa hadaa wadatid 10 kun oo
doolar dadka reer Puntland & Caalamkaba waxaan ugu baaqayaa in gurmad
deg deg ah la sameeyo lana samatabixiyo dadkaa" Ayuu Yiri Gudoomiyaha Gobolka Gardafuu.
Puntland ayaa Hay'ado gargaar u dirtay melaha duufaantu samaaynta xoogan ku yeelatay, waxaana gargaarkaan haatan gaaray uu isugu jiraa
teendhooyin & cunooyin waana kii ugu horeeyay ee la gaarsiiyo
Xaabo si loogu gudbiyo meelaha duufaantu saamayanta xoogan ku
yeelatay.
SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari
baargaal@gmail.com