Ugu yaraan 5 ruux ayaa ku geeriyootay halka tiro intaa ka badanina ay ku dhaawacmeen dagaal maanta magaalada Gaalkacayo ku dhexmaray ciidanka Dawlada Puntland iyo maamulka Galmudug.
Dadka dhintay ayaa isugu jira dhinacyadii dagaalamay iyo weliba dad shacab ah, rasaas xoogan ayaa laga maqlayaa xaafado ka tirsan magaalada waxana jira gurmad ciidan oo labada dhinacba soo gaaraya.
Dawlada Puntland weli ka ma hadal dagaalka Gaalkacayo ka socda iyo khasaaraha ka dhashay.
Dawlada Puntland iyo maamulka Galmudug ayaa waxa ka dhexeeya khilaaf dhinaca xuduudaha ah.
WIXII WARAR AH EE KA SOO KORDHA KALA SOCO SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari
email:baargaal@gmail.com