War deg deg ah: Wariye Jaamac Deperani oo la xiray
Ciidanka Booliska Garowe ayaa Xiray Wariye Jaamac Deperani ka dib Amar uu bixiyey Wasiirka Warfaafint Puntland Maxamuud Xasan Soocadde.
Xariga wariyahaan ayaa daba socday shaqo joojin uu horey wasiirka warfaafintu ugu sameeyay Jaamac, laakiin wariyaha ayaa shaqadiisa caadi isaga watay isagoo Garowe ku sameeyay labo barnaamij oo ku saabsan Deperani show iyo warbixino maalin ah oo udirayay Somali Channel.