القائمة الرئيسية

الصفحات

BAARGAALTECH: 6 Xaqiiqo Oo Ku Saabsan Technology-ada Bluetooth-ka Oo Aanad Aqoon

Marka Hore waxaan Salaan Qiimo iyo qaayo leh u soo marinaynaa internetka Dhamaan Akhristayasha Shabakada Baargaal.net, gaar ahaan kuwooda Xiiseeya technoloogiyadaha Cusub ee Casriga Ah.

BaargaalTech oo aan uga faaloono arimaha technologiyada waxaan todobaadkan uga hadlaynaa technologyada bluetooth ka ee mobilada gacanta wax laysugu diro

Bluetooth waxa uu ka mid yahay farsamooyinka casriga ah ee talefannada gacanta lagu qaato iyo qaarbadan oo ka midah qalabka tiknoolajiyadda ee kombiyuutarka ah ama sidiisa u shaqeeyaa ay kuxiriiraan iyaga oo aan isu marayn wax xarig ah.

Bluetooth waxa uu sida ugu badan anfacaa Kombiyuutarka gacanta (Laptop) iyo talefannada gacanta waxa aanu u suurtogeliyaa in ay ka xiriiri karaan masaafad aan ka badnayn 10 Mitir.

Waa hubaal in dadka aaladahan isitcmaalaa uu yaqaanno xogtaas aynu Bluetooth ka sheegayno, laakiin waxaan akhristayaasha la wadaagaynaa macluumaad intaas ka badan oo aan soo ururinay, waxayna kala yihiin:

1. Magaca Bluetooth oo ka kooban laba erey oo macnahoodu noqonayo Badhankii buluugga ahaa waxauu ahaa magaca loo yaqaannay boqorkii dalka Denmark ee lagu magacaabi jiray Harald Blatand, boqorkani xilligiisii waxa uu mideeyey dalalka Norway iyo Denmark, kelmadda Bluetooth waxaay ahayd macnaha magaciisa marka af Ingiriisi loo turjumo.

2. Adeegga Bluetooth waxaa markii ugu horreysay oo ahayd sannadkii 1994kii ikhtiraacay shirkadda isgaa4siinta ee Sven Matisson and Jaap Haartsen oo laga leeyahay dalka Sweden.

3. Bluetooth in kasta oo uu ku bilaabmay keliya in uu dadka u fududeeyo in ay talefannadooda gacanta ama kombiyuutarradooda iyo aaladaha la mid ah wax isugu diraan iyaga oo aan xarig isugu xirayn, haddana muddadaas gaaban ee uu jiray marba marka ka dambaysa waa la sii casriyeynayey waxaana la sii fiicnaynayey adeegga uu qabanay, illaa uu hadda marayo heer uu qofku awood u yeelanayo in uu gaarigiisa cusub ee Automatic ah uu kula xiriiro talefankiisa gacanta isaga oo u maraya ama adeegsanaya Bluetooth.

4. Bluetooth maanta waa adeeg ay cisbitaallada waaweyn ee casriga ahi u adeegsadaan qalabkooda caafimaadka si uu ugu fududeeyo la socoshada xaaladda bukaanka.

5. Waxaa jira qalab ay kombiyuutarro ka mid yihiin oo adeegga Bluetooth u sahlayo in ay xiriiraan mishiinka daabacista, iyada oo aan wax xarig ah la adeegsanayn

6. Qalabka leh adeegga Bluetooth waxa uu awoodaa in lix qalab oo Bluetooth leh uu mar keliya la wada xiriiro iyada oo aanay weliba mawdajaha uu marayaa is dhexgalayn

BAARGAALTECH
Bringing technlogy information to our region