القائمة الرئيسية

الصفحات

Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta ka fariisanaya sharcigabeen xalaaleynta

Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya ayaa maanta kulanku yeelanaya xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho, iyadoo kulankani looga doodi doono Sharciga cusub ee Been Xalaaleynta.

Akhrinta Saddexaad ee Sharciga Been Xalaaleynta ayeey Xildhibaanada Baarlamaanka maanta u guda galayaan , waxaana sharcigaan soo diyaariyay Wasaarada Maaliyada Xukuumadda Soomaaliya.

Sida Sharciga ah sharci waliba oo Baarlamaanka Soomaaliya la hor keeno waxa uu maraa heerar kala duwan oo gaaraya ilaa saddex, Akhrin, kadibna waxaa loo gudbaa in cod loo qaado oo la ansixiyo ama la diido.

Xildhibaan Maxamed Cumar ooah Hab dhowraha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in kulanka maanta ee Xildhibaanada Baarlamaanka lagu lafo gurayoAjendaha sharciga Been Xalaaleynta.

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbar