Todobaadkii La soo Dhaafay waxaa ku soo idlaalmay xarunta dawlada hoose ee Degmada baargaal ee Gobolka Gardafuu kalfidhi ay yeesheen xubnaha golaha Deegaanka Degmada Baargaal , Kalfadhigaas oo ahaa mid caadi ah ayaa waxaa soo xaadiray Baddi Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada baargaal.
Kalfadhigaas soo idlaalay Todoobdkii hore oo ahaa mid albaabadu u xiranyihiin ayaa lagu gorfeeyay ajanadayaal muhiim u ah habsami u socodka shaqada maamulka Degmada , isla markaana ay ka mid ahayd Ansixinta miisaaniyada golahu uu ku shaqayn lahaa sanadka soo socda ee 2016 iyadoo sidoo kale xildhibaano lagala noqday xubinimadii golaha deegaanka ee Degmada Baargaal kadib markii ay buuxin waayeen xeer hoosaadka Golaha Degaanka ee Degmada .
kalafadhigaas ayaa markii uu soo idlaalay waxa shabakada BAARGAAL.NET uga waramay Gudoomiyaha Degmada Baargaal Mudane Abuukar Axmed Yuuusuf oo shir gudoominayay Kalafadhigaas socday muddo todobaad ah ,
Gudoomiyaha ayaa sheegay in uu guul ku dhamaaday Kalfadhigoodii, waxana uu yiri:
Daawo Sawirada Kala Fadhiga

” Waa Alle mahadii mar hadii uu guul ku dhamaaday kalfadhigii Golaha Degaanka ee Degamada Baargaal, waxaan u mahadnaqayaa xildhibaanadii soo xaadiray Kalafadhigaasi ee ka soo qayb galay dooda , iyo sidoo kale marti sharaftii nagala soo qayb gashay intii uu kala fadhigu noo socday iyo Madaxda Waaxaha Kala duwan ee Dawalada Hoose ee Degamada Baargaal
Gudoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri " sidoo kale intii kalfadhigani socday ayaa waxa lagaga dooday Ajandayaal muhiim ah oo ay ka mid ahayd Ansixinta Miisaaniyada D/Hoose, Ansixinta Xeerar muhiim u ah habsani usocodka Shaqada iyo Shaqaalaha iyo Dardargalinta hawlaha shaqo ee D/Hoose iyo Golaha Degaanka ee Degmada Baargaal ”
sidoo kale Maamulka iyo xildhibaanada golaha degmada Baargaal ayaa guddi u diray soo kormeera deegaanka iyo xaalufka ka jira ayagoo gudigaasi warbixintoodii ku soo bandhigay Kalafadhigii todobaadkan

Dhinaca kale Maamulka iyo xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Baargaal ayaa booqashooyin kormeer ah ku tagay mashaariicda horumarinta ee ka socda Degmada Baargaal sida dhismaha Guriga Dhalinyarada Degmada oo hada dhismihiisu socdo , sidoo kale soo indha indheeyay dhulkii laga hirgalin lahaa dhismaha wasaarada Deegaanka iyo duurjoogta puntland ku yeelan lahayd Degmada Baargaal
Daawo Sawirada Kala Fadhiga

SHABAKADA BAARGAAL.NET
ISha wararka Horumarka Deegaanada Calbari
Email: Baargaal@gmail.com