Mohammed Khursheed Hussain oo u dhashay dalka India ayaa bilad iyo shahaado sharaf la gudoonsiiyay kadib markii uu alle hibo usiiyay in Sankiisa uu ku qoro wax waliba oo loo yeeriyo.
Mohammed Khursheed oo jir ahaan caafimaad qaba ayaa hadana doorbidaaya in qoraalada computerka uu ku qoro Sankiisa, isaga oo sidoo kale awood u leh in gacantiisa uu ku qoro conputerka.
Ninkaani oo macalin ka ah Iskuul lagu barto diinta Islaamka oo ku yaala dalka India ayaa waxaa lagu amaanay in muddo kooban gudaheeda uu sankiisa ku qori karo qoraal dhan 10 beej.
Ninkaasi ayaa mucjiso ku noqday dadka reer India waxa ayna dadku yihiin kuwo wax ka weydiiya Hibada uu alle siiyay.
SHABAKADA BAARGAAL.NET
LA YAABKA ADUUNKA