القائمة الرئيسية

الصفحات

Daawo sawirada Qalabkii uu ku shaqeyn lahaa Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Boosaaso

Qalabkan ayaa saamaxaya in si rasmi ah todobaadka soo socda gudihiisa uu ugu howlgalo garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso, waxaana ku jira qalabka gaadiid yar iyo weyn kuwaa soo ka dhex shaqeyn doona gudaha garoonka diyaaradaha, jaran jarooyinka ay ku soo degaan dadka la socda diyaaradaha caalamiga ah iyo weliba kuwo kale oo aan halkaan lagu soo kobi karin.

Waxaa sido kale ku jira gaadiidka ka hortaga dhacdooyinka kadiska ah dab damisyo iyo kuwa caafimaadka, waxayna dhamantood gundhig u yihiin bilaabashada shaqada heer caalami ee garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso xarunta ganacsiga dowladda Puntland.