Maamul Goboleedka Bakool sare ee indhowaale kasocday magaalada
Ceel-barde ayaa loo dhamaystiray inta badan Astaamihii dawliga ahaa
iyo sidoo kale shuruucdii lagu dhaqi lahaa dadka deegaamada maamulkanika arimin doono.
Ergooyinkii shanta boqol kor u dhaafayay ee maalmahanba shirku ooga socday magaalada Ceelbarde ee gobolka Bakool ayaa maanta doortay madaxweynaha maamul goboleedka Cusub ee loogu wanqalay Bakool Sare.
Axmed Mashruuc ayaa loo doortay madaxweynaha maamul goboleedkaBakool Sare, halka ku xigeenkiisana loo doortay Cabdullahi Sahal.
Hadaba waxaan halkan idiinku soo Gudbinaynaa calanka maamulka oo maalin kahor lagu ansixiyay magaalada Ceel-barde ee xarunta maamul Goboleedka Bakool sare.
Shabakada Baargaal.net
isha wararka horumarka calbari