القائمة الرئيسية

الصفحات

Geedka Moringa oleifera oo aad loo beertay degmada Baargaal

Geedka magaciisa la yiraahdo Moringa oleifera waa geed faaiidooyin badan oo aan la soo koobi karin leh Nafaqada ku jirta Moringa aad bay ubadan tahay inta la yaqaan waxaa ka mid ah Vitamins, Minerals iyo Antioxidants, nafaqooyinkaasi waxay lagama maarmaan u yihiin koritaanka, caafimaadka iyo quruxda dadka iyo nafleyda oo idil.

Dadka isticmaala geedkaas waxay sheegeen in uu geedkaasi daawo u yahay xanuuno badan sida feexaha , burooyinka , dhiig karka iyo xanuuno kale oo badan.

Mudooyinkii danbe waxaa aad looga beeraayay beeraha iyo gudaha guryaha magaalada Baargaal waxaana kaloo lagu qurxiyay dhismayaasha shirkadaha iyo hotelada ka dhisan magaalada Baargaal

Sidoo kale waxaa laga helaa xarumaha caafimaadka magaalada ku yaal geedka oo la shiiday iyadoo aad arkaysid dad badan oo shaaha iyo cabitaanka ku darsanaaya

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka Deegaanada calbari
Baargaal@gmail.com