القائمة الرئيسية

الصفحات

Guddoomiyihii Rugta Ganacsiga Iyo Warshadaha Puntland oo Xilkii iska casilay

Guddoomiyihii Rugta Ganacsiga Iyo Warshadaha Puntland Cabdirixmaan Jaamac Warsame ayaa iska casilay xilkii uu ka hayey Rugta,waxaana lagu sheegay Iscasilaadiisa arrimo gaar ah.

Cabdirixmaan Jaamac Warsame ayaa sheegay in Rugta Ganacsiga iyo Wershadaha Puntland aysan gaarin hadafkii loo aasaasay hase yeeshee ay ganacsatadu dadaal ugu jiraan sidii loo hirgelin lahaa hadafka markii hore loo aasaasay.

Waxa uu sheegay waxqabadkii ay ballan qaadeen aysan hal sano ku qaban karin balse ay wax badan qabteen mudadii uu joogay Xafiiska Rugta Ganacsiga Iyo Wershadaha Puntland.

Guddoomiyihii Rugta Ganacsiga Iyo Wershadaha Puntland ayaa sheegay ineysan jirin khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo mas’uuliyiinta kale ay shaqo wadaagta yihiin balse arrimo u gaar ah isu casilay.

Bishii December 26, 2014 ayaa si rasmi ah xilkan loogu doortay Hoggaanka Rugta Ganacsiga iyo Wershadaha Puntland hada uu baneeyeyna ,waxaa sii-wadaya shaqada Guddoomiye kuxigeen kiisii Maxamed Caydiid.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wsrarka horumarka calbari