القائمة الرئيسية

الصفحات

Iska horimaad ka dhacay Xeebaha Soomaaliya oo lagu dilay Kaluumeesato u dhalatay Dalka

Dowlada iiraan ayaa xaqiijisay in labo nin oo kaluumeesato ah oo u dhashay dalkaasi lagu dilay xeebaha Soomaaliya, kadib markii iska horimaad uu dhax maray Kooxo burcad badeed Soomaali ah iyo kaluumeesatadaasi.

Ku-xigeenka Madaxa Ururka Kalluumeysatadda Iiraan, Ali Askar Mujaahidiin, ayaa xaqiijiyay in labo kaluumeesato iiraaniyiin ah lagu dilay xeebaha Soomaaliya tiro kalana lagu dhaawacay kadib markii ay dagaal la galeen kooxo burcad badeed Soomaali ah.

Ali Askar, ayaa kula taliyay kaluumeesatada u dhashay dalka iran in aysan u safrin xeebaha Soomaaliya ay kala kulmi karaan halis, waxaana uu intaa raaciyay hadii kaluumeesatada ay galaan biyaha Soomaaliya ay kalamo weediistaan maraakiibta Dagaalka Iiraan si loogu gurmado.

Maraakiib iyo doonyo shisheeye ayaa sifo sharci daro ah waxa ay uga kaluumeestaan biyaha Soomaaliya, mana jirto Dowlad ka warqabta Biyaha Soomaaliya oo kula xisaabtameysa Maraakiibta iyo doonyaha boobaya oo xaalufinaaya  Kheyraadka Badeena ka buuxa.

Dhinaca kale waxaa soo baxaaya warar sheegaaya in ay diideen inay soo aadaan kalluumaysatadii yamaniyiinta ahaa xeebaha soomaaliya oo ay ka baqeen in ay kala kulmaan weeraro kadib digniino loo jeediyay doonyaha sharci darada uga kaluumaysta xeebaha soomaaliya ee xaalufinaya badda

SHABAKADA BAARGAAL.NET
ISHA WARARKA HORUMARKA DEEGAANADA CALBARI