Kulan ay isugu yimaadeen gudiga Duufaanadii ka dhacay Gobolka Gardafuu ayaa maanta lagu qabtay magaalada boossaaso kulankan ayaa waxaa ka soo qeyb galay isimo nabadoono waxgarad iyo ganacsato iyo waliba qaar ka mid ah masuuliyiinta gobolka gardafuu.
Kulankan ayaa waxaa lagu soo bandhigay sawiro muujinaya dhibaatooyinkii ay geysteen duufaanadii ka dhacay gobolka gardafuu iyo burburka ku habsaday wadooyinka isu xira degmooyinka gobolkaas.
waxgaradka kasoo qeybgalay shirkan jaraaid ee looga hadlayey baaxadda dhibaatooyinkii ay reebeen duufaanadaas ayaa waxa ay dowladda iyo shacabka buntland ka codsadeen in si degdeg ah loogu gurmado Dadka wallaalaha ah ee ku go’doosssan gobolka gardafuu
halkan kaakhriso http://www.baargaal.net/2015/12/sawirro-kulan-dhaqaale-loogu.html